Manchester City Oo La Wareegtay Hoggaanka Premier League Oo Ay LIX Ciyaarood Ka Hadhsan Yihiin


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo waqtiga uu dhamaanayo ay lix ciyaarood ka hadhsan yihiin, waxaana ay laba dhibcood dhaaftay Arsenal iyo Liverpool oo labaduba Axadda ciyaaraya.

Manchester City ayaa gacanta ku dhigtay hoggaanka Premier League markii ay 5-1 ku xasuuuqeen Luton Town oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, iyadoo tababare Pep Guardiola uu nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah qaarkood.

Shan gool oo ay qabsadeen Erling Haaland, Mateo Kovacic, Jeremy Doku iyo Gvardiol ayaa Manchester City siiyey fursad ay illaa Axadda ugu negaato figta sare ee Premier League, waxaase isbeddel ku samayn karaya Arsenal iyo Liverpool oo haddii ay kasoo adkaadaan Aston Villa iyo Crystal Palace kaalinta saddexaad usoo dhaadhicin doona Man City.

Daqiiqaddii 2aad ee bilowga ciyaarta ayaa kubbad uu maqas ku qabtay Erling Haaland waxa ay wajiga kaga dhacday difaaca Luton ee Daiki Hashioka oo ku leexiyey shabaqa kooxdiisa, waxaana uu goolkaasi noqday furaha guusha Man City.

Ciyaartan oo inteeda badan ka socotay dhinac kaliya oo lagu dheelayay qaybta Luton Town ayaa waxa ay lagu kala nastay goolka madiga ahaa ee ay iska dhalisay Luton, laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa ay afar gool is-raacisay City.

Khadka dhexe ee reer Croatia ee Mateo Kovacic ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 64aad, toban daqiiqadood kaddibna waxa Man City loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Erling Haaland.

Garabka weerarka reer Belgium ee Jeremy Doku ayaa dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay waxa uu dhaliyey goolka afraad ee kooxdiisa Manchester City, halka waqtigii dheeraadka ahaana uu Gvardiol goolka shanaad saxeexay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay yeelatay 73 dhibcood, halka Arsenal iyo Liverpool oo min hal ciyaar ah haystaa ay leeyihiin 71 dhibcood.

Dhinaca kale, Tottenham ayaa maanta la kulantay ceeb iyo bahdilaad weyn waxaana 4-0 ku xasuuqday Newcastle United oo ay marti u ahaayeen.

Laba gool oo uu dhaliyey Alexander Isak iyo laba ay ku dareen Anthony Gordon iyo Fabian Schark ayaa Newcastle United siiyey guushahn weyn oo sabab u noqotay inay kaalinta lixaad kala baxaan Manchester United, halka Tottenham ay lumisay fursad ay si buuxda ugu fadhiisan lahayd kaalinta afraad, waxaana hadda ay usoo dhaceen shanaad iyadoo goolasha badan ee laga dhaliyey ay fursad siiyeen Aston Villa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*