Xeeladdii Uu Carlo Ancelotti Booska Kaga Beddelay Cristiano Ronaldo Ee Cimriga U Dheeraysay Xiddiga Portugal


Carlo Ancelotti ayaa xeelad u adeegsaday in uu booska ka beddelo xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, taas oo laacibkan ka dhigtay sidii xiddig dib usoo dhashay oo qaaday cimri-dherer ciyaareed oo uu illaa hadda kusii jiro garoomada.

Cristiano Ronaldo ayaa sumcaddiisa ku dhistay kooxaha Manchester United iyo Real Madrid oo uu guulo waaweyn la gaadhay wiqtigii uu ka tirsanaa, balse waxa ay kubaddiisu si buuxda qaangaadh dunidu wada ictiraaftay noqotaymarkii uu tegay Real Madrid ee uu ka noqday dhaliyaha koowaad.

39 jirkan ayaa la saaxiibay shabaqa isaga oo garab ka ciyaaraya, waxaana sagaal sannadood oo uu joogay sagaal sannadood oo uu ku qaatay Santiago Bernabeu uu dhaliyey 450 gool oo ka dhigtay ciyaartoyga kooxdaas ugu goolasha badan abid.

Sirta ka dambaysa in Ronaldo uu goolal intaas le’eg dhaliyo waxay ahayd xeelad uu adeegsaday tababare Carlo Ancelotti oo markii uu la wareegay Real Madrid June 2013 ka walaacay sida uu Roinaldo ugu fashilmayay in uu difaaca caawiyo, markaas oo uu go’aansaday inuu afka hore ku illoobo oo uu shaqooyinkiisa ka saaro inuu difaaca qayb ka noqdo.

Laakiin dhibaatada soo gaadhay Carlo Ancelotti ayaa waxa ay ahayd in Ronaldo aanu doonayn in laga beddelo garabka bidix, balse Carlo Ancelotti ayaa isticmaalay xeelad iyo khiyaanooyin uu ku sameeyey xiddiga reer Portugal isaga oo aan dareemin.

Tababare ku-xigeenkii Carlo Ancelotti ee waqtigaas ayaa ka warramay xeeladdii uu adeegsaday Carlo Ancelotti si uu Ronaldo booska uga beddelo, waxaanu yidhi: “Carlo Ancelotti waxa uu keenay fikrad ah in Ronaldo uu ka ciyaaro weerarka dhexe si aanu dib ugu soo noqonin oo aanu difaacyada ula shaqaynin. Waxa uu arrintan kala xaajooday Cristiano oo isaguna u sheegay in uu doonayo in laga beddelo garabka bidix.

“Carlo wuu ogaa in uu la doonayo in uu noqdo mid ku raaxaysanaya garoonka dhaxdiisa, sidaa daraadeed waxa uu adeegsaday laba qaab oo kala duwan. Mid waxay ahayd shaxda 4-3-3 oo uu Ronaldo ka ciyaarayay garabka bidix, iyo shaxda kale oo ahayd 4-4-2 oo inta badan ahayd marka aanu difaaca ku dheelayno, Ronaldo ayaana afka hore tegayay.”

Clement waxa kale oo uu amaanay Carlo Ancelotti oo uu ku sheegay inuu yahay nin jecel qoyskiisa, jecel inuu cuntooyin fiican cuno, isla markaana daawada filimada oo taga makhaayadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*