DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kala Hor Tegayo Real Madrid Iyo Laacibiinta Uu Ka Reebay


Xiddigaha kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u safraya magaalada Madrid iyadoo ay ka maqan yihiin labada ciyaartoy ee difaaca ah ee Kyle Walker iyo Nathan Ake oo dhaawacyo lagaga reebay liiska kooxda.

Walker iyo Ake oo ka mid ah tobanka ciyaartoy ee uu Pep Guardiola ugu isticmaalka badnaa xilli-ciyaareedkan ayaa waxa maqnaanshahoodu uu culays badan ku keenayaa difaaca kooxdaas, halka uu fursad u noqon doono Real Madrid oo garabkeeda orodka badan ee Vinicius Junior oo uu xidhi jiray Walker aanu u aamusnaan doonin sidii uu daafaca reer England u aamusiin jiray.

Pep Guardiola ma aanu shaacinin muddada uu maqnaanayo Kyle Walker oo dhaawac kaga baxay ciyaartii Arsenal ee bishii hore, halka Nathan Ake uu isaguna kusoo dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa.

Manchester City ayaa liiska ciyaartoydeeda safarka ku tagtay Madrid waxa ay kusoo dartay daafaca reer Croatia ee Josko Gvardiol oo dhaawac kaga baxay ciyaartii Crystal Palace ee Sabtidii, waxaana uu dib taam u noqday kulankan.

City ayaase ka walaacsan afarteeda difaaca ah, maadaama uu Ruben Dias hal kaadh u jiro in laga ganaaxo kulanka lugta labaad oo Arbacada toddobaadka dambe ka dhici doona garoonka Etihad Stadium, taas oo sidoo kale laga yaabo inay degdeg ku noqoto Walker iyo Dias.

Xiddigaha Manchester City ee u safray magaalada Madrid

Ederson, Ortega, Carson, Lewis, Akanji, Dias, Stones, Gvardiol, Gomez, Rodri, Susoho, Kovacic, Nunes, Silva, Bobb, De Bruyne, Foden, Doku, Grealish, Alvarez, Haaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*