“Waa Inay Sugaan Sannad Kale…” – Halyeygii Arsenal Ee Nigel Winterburn Oo Magacaabay Kooxda Ku Guuleysanaysa Premier League


Halyeygii Arsenal ee Nigel Winterburn ayaa ku dooday in Liverpool ay tahay kooxda ugu cadcad ee ugu dhow inay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu u diiday kooxdiisii hore ee Arsenal inkasta oo ay Gunners la wareegtay hoggaanka markii ay saddex dhibcood ka qaadatay Luton Town oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Arsenal ayaa hal dhibic dhaaftay Liverpool oo Khamiista ciyaari doonta, isla markaana hoggaanka kusoo laaban doonta haddii ay guuleysato.

Nigel Winterburn oo la weydiiyey fursadda Arsenal ee horyaalka Premier League, ayaa waxa uu sheegay in Gunners ay u baahan tahay inay sannad kale sugto oo aanay waqtigan u diyaarsanayn sida kooxaha kale ee la tartamaya ee Liverpool iyo Manchester City.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd kooxda ku guuleysanaysa Premier League, waxa uu Nigel Winterburn ku jawaabay: “Waxay ila tahay in Liverpool ay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysanaysa hadda, haddii ay badiyaan kulamada baaqiga u ah iyaga ayaa ku guuleysan doona sababtoo ah way uga fursad fiican yihiin kooxaha kale.

“Dadka qaarkood ayaa odhanaya Manchester City way difaacanaysaa horyaalka, sababtoo ah waxay ku guuleysteen shan mar lixdii sannadood ee ugu dambeeyey, balse iyaga iyo Liverpool waa labada kooxood ee ugu waaweyn ee ku guuleysan karaya.”

Nigel Winterburn oo la weydiiyey fursadda Arsenal ayaa yidhi: “Arsenal waxay ku dhamaysan doontaa kaalinta saddexaad, laakiin way dagaallamayaan. Waxay ila tahay in Arsenal ay sugi doonto sannad kale.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*