Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda KU Guuleysanaysa Horyaalka Premier League Ay La aleen Arsenal


Pep Guardiola ayaa saadaal ka bixiyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib natiijadii barbarraha ahayd ee ay kooxdiisa Manchester City la gashay Arsenal oo ay goolal la’aan ku kala baxeen kulankoodii ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Hoggaanka horyaalka Premier League ayaa si buuxda ugu gacan galay Liverpool oo hadda laba dhibcood ku haysa hogaanka, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Brighton oo ay galabta ku qaabbishay Anfield.

Tababare Pep Guardiola oo la hadlay warbaahinta kaddib ciyaartii Arsenal, ayaa waxa uu sheegay in Liverpool ay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysanaysa horyaalka Premier League, inkasta oo ay waqti hore tahay oo ay sagaal ciyarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Guardiola oo la weydiiyey kooxda hadda ugu cadcad ayaa ku jawaabay: “Haa, kooxda kaalinta koowaad ku jirta ayaa ah tan ugu cadcad. Kaddibna Arsenal ayaa ah kooxda labaad ee ugu dhow, annaguna waxa aanu nahay kooxda saddexaad.”

Mar la weydiiyey haddii uu ka walaacsan yahay in aanay dhamaadka xilli-ciyaareedka ka hadhsanayn ciyaaro ku filan oo ay ku dhaafi karaan Arsenal iyo Liverpool, ayaa ku jawaabay: “Hadda annaga gacantayada waxba kuma jiraan.

“Waxa aanu samayn karayno waa in aanu isku diyaarino oo aanu isku dayno in aanu ku guuleysano ciyaarta soo socota ee Aston Villa. Markii aanu hoggaanka haynay, annaga ayaa ahayn kooxda ugu cadcad, haddase annaga gacantayada waxba kuma jiraan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*