Luis Enrique ayaa ka hadlay mustaqbalka Kylian Mbappe xilli ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in uu u dhaqaaqi doono Real Madrid xagaaga.
Dabayaaqadii bishii Febraayo, waxaa la soo wariyay in Mbappe uu ugu dambeyntii go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Paris Saint Germain.
Sida laga soo xigtay The Athletic, 25-sano jirkaan ayaa u sheegay kooxda Parc des Princes inuu ka tagi doono marka xilli ciyaareedka hadda socda uu soo dhawaado.
Wixii markaas ka dambeeyay, waxaa si weyn loo hadal hayay in Mbappe uu ka tagi doono Paris xagaagan kuna biiri doono kooxda ka dhisan La Liga ee Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka hadlayay kahor kulanka PSG ee Marseille, Enrique ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu Mbappe ku sii joogi karo PSG.
Isbaanishka ayaa u sheegay Prime Video: “Weli waxaan rajeynayaa in Kylian Mbappe uu badali doono go’aankiisa. Weli waxba ma uusan odhan. Weli wuu bedeli karaa maankiisa.
“Aan qiyaasno inaan ku guuleysanay afar koob xilli ciyaareedkan, Kylian wuxuu go’aankiisa faaray waqtiga ugu danbeeya, wuxuuna go’aansaday inuu booskiisu yahay Paris. Maxaa diidaya?”
Enrique ayaa intaa ku daray: “Wax walba waa suurtogal nolosha. Hadafkayagu waa inaan badino kulankaan.”.
Be the first to comment