Man United Oo Xiddig Laf-dhabar Ah Ka Doonatay Barcelona, Arsenal Oo La Saxeexanaysa Xiddig Reer Spain Ah, Bayern Oo Dalbatay Xiddig Ingiriis Ah Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Kooxda ku guuleysatay horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal ayaa kalsooni ku qabta inay xagaagan la seexan doonto weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison, iyadoo ay wararku sheegayaan in Tottenham ay ogolaanayso iibinta 27 jirkan. (Mail)

Tottenham ayaa waxa ay beddelka Richarlison ka dhiganaysaa Eberechi Eze oo ah 25 jir u ciyaara Crystal Palace iyo xulka England oo ay sidoo kale doonayso Manchester City. (Football Insider)

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa iskaga hadhay tartanka laacibka reer England ee Mason Greenwood oo ay Manchester United iibkiisa ku xidhay £51.7 milyan oo Gini. (Marca)

Manchester United waxa ay dib usoo cusboonaysiinaysaa damaceedii xiddiga Barcelona ee Frenkie de Jong oo ay si aad ah iskugu dayday saxeexiisa sannadkii 2022. (Mundo Deportivo)

Bayern Munich ayaa waxa ay go’aansatay in ay u dhaqaaqdo saxeexa khadka dhexe ee kooxda Crystal Palace ee Adam Wharton oo ah 20 jir u dhashay England oo qiimihiisa lagu sheegay £60 milyan oo Gini. (Sun)

Arsenal waxa ay rajaynaysaa in ay la saxeexan doonto kubbad-burburiyaha reer Spain e Martin Zubamendi oo ah 25 jir u ciyaara Real Sociedad, balse walaac ku haya hadal kasoo yeedhay tababare Imanol Alguacil oo sheegay in aanay iibinayn xagaagan. (Metro).

Garabka weerarka Barcelona ee Raphinha, ayaa doonaya inuu iskaga tago kooxdaas xagaaga , laakiin Barca ayaa waxa ay kaliya ku fasixi doontaa in ay ku hesho dalab macquul ah. (Mundo Deportivo)

Bayern Munich waxa diiraddeeda soo galay tababaraha Crystal Palace ee Olver Glasner oo ay doonayaan inay ku beddelaan Thomas Tucyhel, laakiin 49 jirkan reer Austria ayaa isaguna doonaya inuu sii joogto Selhurst Park. (Sky Sports)

Real Madrid waxa ay shaacinta heshiiska Kylian Mbappe la sugi doontaa finalka Champions League ee June 1 ee Borussia Dortmund. Kaddib ayay shaacin doonaan heshiiska Mbappe. (Athletic)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*