Ousmane Dembele Oo Ku Qoslay Barcelona Xilli La Sheegay Inuu Neceb Yahay Kooxdiisa Hore


Ousmane Dembele ayaa la arkay isagoo ku qoslaya Barcelona oo guuldarro 4-1 ay ka soo gaartay Paris Saint-Germain islamarkaana laga reebay Champions League.

Xiddiga Faransiiska ayaa ka tagay Barcelona kuna biiray kooxda PSG xagaagii, waana uu iska celin waayay inuu qoslo markii uu arkay kooxdiisa hore oo kala daadatay.

Casaankii Ronald Araujo ayaa sabab u noqday in PSG ay sameyso soo laabasho cajiib ah iyadoo Kylian Mbappe uu labo gool dhaliyay islamarkaana uu natiijada dhanka kale u rogay iyadoo kooxdiisa ay 6-4 ku badisay labada lug.

Dembele ayaa shabaqa soo taabtay labada lug isagoo xalay dhaliyay goolkii barbaraha ka hor waqtigii nasashada.

Taageerayaasha Barcelona ayaa ku ooriyay Dembele iyagoo garoonka la soo galay boorar ay ku maadeysanayaan xiddiga Faransiiska, laakiin Dembele isaga ayaa ku danbeeyay qosolka.

Taageere ayaa soo qoray in Dembele uu si dhab ah u neceb yahay Barcelona iyadoo taageerayaal kale ay ku raaceen inay ku saxan yahay inuu naco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*