DEG-DEG: Frank Lampard Oo Dib Ugu Soo Noqonaya Tababarenimada – Yaa Loo Magacaabayaa?


Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dib ugu soo noqonaya shaqada tababarenimada oo uu ka maqnaa tan iyo dhamaadka xilli-ciyaareedkii hore, markaas oo uu soo dhamaaday waqti uu si ku-meelgaadh ah u laylinayey Chelsea.

Lampard ayaa 11 bilood aan qabanin wax shaqo ah, laakiin hadda ayaa uu ku jiraa wada-hadallo uu dib ugu soo noqonayo shaqada macalli nimada.

Halyeyga reer England ee hore usoo layliyey kooxaha Derby iyo Everton, sidoo kalena laba jeer oo kala duwan tababare u noqday kooxdiisii hore ee Chelsea ayaa waxa la sheegay in loo magacaabayo maallinka xulka qaranka Canada, taas oo u suurtogelin doonta inuu dalkaas u hoggaamiyo Koobka Adduunka 2026 ay wada-jirka u martigelin doonaan Canada, Maraykanka iyo Mexico.

Sida ay muujinayso xog uu soo bandhigay wargeyska Telegraph, Frank Lampard ayaa waxa ay wada-hadallo u socdaan xidhiidhka kubadda cagta Canada oo doonaya inuu noqdo macallinkooda cusub ee sida rasmiga ah u hoggaamin doona kaddib markii shaqada laga caydhiyey John Herdman xagaagii.

Xidhiidhka kubadda cagta Canada ayaa la sheegay in aanay ku qancin tababarahooda ku-meelgaadhka ah ee Mauro Biello oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey laba ka mid ah guulo soo hooyey.

Rikoodhka Frank Lampard ee waqtigiisii tababarenimo

  • Derby (May 2018  illaa July 2019)
  • Chelsea (July 2019 illaa  January 2021)
  • Everton (January 2022 illaa January 2023)
  • Chelsea (April 2023 illaa May 2023)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*