Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay xiddiga noqonaya saxeexa koowaad ee bisha January ay lasoo wareegayaan, kaas oo hore loogaga dhaartay xagaagii xilligaas oo ay raadinayeen khad dhexe oo tayadiisu sarrayso.
Liverpool ayaa la sheegay in ay heshiis la gaadhay kubbad-burburiyaha Brazil ee Andre Trindade oo bisha January soo gaadhi doona Anfield, waxaanay si dhakhso ah u dhamaystiri doonaan heshiiskiisa kaddib markii ay soo baxeen kooxo Premier League ah oo ay ku jiro Arsenal oo doonaya laacibkan.
22 jirkan oo ah halbowlaha kooxda Fluminense ayaa xagaagii ay dalbatay Liverpool, hase yeeshee Mario Bittencourt oo ah madaxweynaha Fluminense ayaa saxaafadda u sheegay in Reds ay ku qanciyeen in ay dalabkooda la sugaan bisha January, maadaama ay ku jiraan tartanka Copa Libertadores oo ay finalka iskugu soo baxeen Boca Juniors oo ay Sabtida kala calaf-qaadi doonaan.
Andre Trindade oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan khadka dhexe ee Latin America ku sugan waqtigan, ayaa waxa uu hore uga ciyaari jiray difaaca dhexe balse waxa loo beddelay inuu noqdo kubbad-burburiye uu si cajiib ah ugu soo baxay.
Liverpool ayaa raadinaysa kubbad burburiye dabiici ah iyadoo Endo Wataru oo ay lasoo wareegeen xagaagii ay saluugsan yihiin, taas oo keentay in No.6 uu ka ciyaaro Alexis MacAllister oo aanu booskaasi ahayn midkiisii dabiiciga ahaa.
Be the first to comment