YAAB: Cristiano Ronaldo Oo Xalay Dalbaday In La Beddelo Garsooraha Oo Uu Saluugay Iyo Dagaalkii Dhex-maray Jordan Henders


Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay dalbaday in la beddelo garsooraha dhexe ee kulankii ay kooxdiisa Al-Nassr guusha cidhiidhiga ah ka gaadhay Al-Ettifaq oo ay koobka King Cup ku kala calaf-qaadeen.

Talisca ayaa gool u dhaliyey Al-Nassr dhamaadka qaybta hore, laakiin VAR ayaa diidday markii ay soo baxday in uu Ronaldo oo ku jiray Offside uu isku dayay inuu kubadda u hoosaasiyo goolhayaha, sidaasna lagu diiday goolkaas.

Garsooraha reer Chile ee Piero Maza ayaa ayaa sidoo kale dib u eegay VAR oo uu ka hubiyey qalad dhacay oo uu dhamaadka qaybta hore kaadh casaan ah garoonka kaga saaray Talisca, kaddib markii ay muuqaalladu muujiyeen in laacibka reer Brazil uu sameemeyey qalad.

Ronaldo ayaa isagana la siiyey kaadh digniin ah qaybta hore, kaddibna garsoore Maza ayaa ka baaqsaday inuu siiyo kaadh labaad oo casaan noqon lahaa maadama uu laacibkani gadood sameeyey oo uu garsooraha inĀ  badan kula murmayay garoonka dhaxdiisa.

Arrinta kale ee cajiibka ah ayaa waxay ahayd in Ronaldo uu ciyaarta oo socota dalbanayay in la beddelo garsoore Maza, isaga oo u tegay garsooraha si toos ah ugu tegay labada garsoore ee kaydka joogay oo uu u sheegay in ay muhiim tahay in la beddelo garsooraha.

Steven Gerrard ayaa kooxdiisa Al-Ettifaq laga saaray Al Hazazi daqiiqaddii 89aad, waxaanay labada kooxoodba ku dhamaysteen min 10 ciyaartoy, iyadoo halyeyga Al-Nassr uu noqday Sadio Mane oo waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta dhaliyey goolka guusha ee semi-finalka King Cup u diray Al-Nassr.

Intii ay ciyaartu socotay, waxa isku dhacay Cristiano Ronaldo iyo Jordan Henderson oo lagu kala qabtay garoonka dhaxdiisa, iyadoo laacibka hore ee Liverpool ee Henderson uu diiddanaa sida uu u dhaqmayo xiddiga reer Portugal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*