Ciyaartoyda xulka qaranka Iran ayaa loogu hanjabay in qoysaskooda xabsiyada loo taxaabi doono oo waliba lagu jidh-dili doono xilli ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee Maraykanka ay caawa ku kala baxayaan ee lagu soo gabogabaynayo Group-ka B ee Koobka Adduunka.
Xiddigaha xulka qaranka Iran ayaa la siiyey digniin kama dambays ah oo la xidhiidha heesta calanka oo ay ka aamuseen kulamadoodii hore.
Heesta calanka dalkaas ayaa markii laga shiday g aroonka, waxay ciyaartoyda xulka Iran isku qabteen afka iyaga oo diiday inay qaadaan, waxaana ciidamada ilaalada kacaanka Iran ay ugu hanjabeen in haddii ay kulanka Maraykanka ficilkaas oo kale sameeyaan in ay mudan doonaan ciqaab, iyada oo waliba la bartilmaameedsan doono qoysaskooda iyo ehelladooda ku sugan gudaha Iran.
Masuuliyiinta sare ee Iran iyo ciyaartoyda ayaa kulmay kaddib ciyaartii xulka qaranka England ee ay ciyaartoydu ka aamuseen heesta calankooda, waxaana sida uu xaqiijiyey telefishanka CNN ee laga leeyahay waddanka Maraykanak loo sheegay dhamaan ciyaartoyda in ay ehelladooda iyo iyaguba mudan doonaan ciqaab.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda xulka qaranka Iran ee la ciyaaraya Maraykanka ayay caawa indhuhu si aad ah u hayn doonaan, waxaana haddii ay guuleystaan kulankan ay u gudbi doonaan wareegga 16ka Koobka Adduunka.
Be the first to comment