YAAB: Laba Ciyaartoy Oo Barcelona Ku Yeeshay €102 Milyan Oo Euro Oo Mushahar Ah

Dhaqaale xumada ku habsatay Barcelona ayaa xadhkaha goosatay, waxaana iska soo daba baxaya xogta xiddigaheeda ku leh lacagaha malaayiinta ah ee mushaharka ah ee sannadihii tegay aan waxba la siinin, halka sidoo kalena ay lacag ka badan €1.3 milyan oo Euro oo deyn ah ay ku leeyihiin shirkado iyo bangiyo ay lacago ka qaadatay kooxdu.

Barcelona oo xagaagan €150 milyan oo Euro ku iibsatay Raphinha, Robert Lewandowski iyo Jules Kounde, ayaa waxa hore loo ogaa in kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong uu ku lahaa €17 milyan oo Euro oo mushahar ah oo aan la siinin, kaas oo waliba ay ku cadaadinayaan inuu ka tanaasulo oo uu ka dhaafo kooxda, isla markaana uu ogolaado in la iibiyo.

Iyadoo arrintu sidaas tahay ayaa waxa soo baxday xog kale oo layaableh oo muujinaysa mushahar boqol milyan sare u dhaafaya oo ay ku leeyihiin labada ciyaartoy ee Gerard Pique iyo Sergio Busquets, taas oo abuuraysa inay jiri karayaan ciyaartooyo kale oo iyaguna lacago ku leh kooxda.

Sida uu qoray wargeyska ARA ee kasoo baxa magaalada Barcelona, kabtan Sergio Roberto ayaa waxa uu ku leeyahay Barcelona lacag dhan €50 milyan oo Euro oo mushahar ah oo aan wali la siinin, taas oo lagu sheegay inay qayb ka tahay sababaha uu laacibkani heshiis cusub ugu saxeexi waayey kooxdiisa iyadoo qandaraaskiisa horena ay ka hadhsan yihiin 10 bilood oo kaliya.

Gerard Pique oo isaguna xagaagii hore soo sawiray xisaabtiisa bangiga oo muujinaysa inuu mushahar dhimis badan u sameeyey Barcelona, si ay kooxdu u awoodo in waqtigaas ay diiwaangeliso Sergio Aguero, Memphis Depay iyo Eric Garcia, ayaa waxa uu isaguna ku leeyahay Barcelona lacag gaadhaysa €52 milyan oo Euro.

Barcelona ayaan ka hadal warkan cusub ee sheegaya in Gerard Pique iyo Sergio Busquets, hase yeeshee waxa  hore loo ogaa in kooxdu ay qiratay in Frenkie de Jong uu ku leeyahay lacagta deynta ee mushaharka ah balse waxay ka keentay dood ah in ay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*