YAAB: Cuntadii Sumaysnayd Ee Sababta U Noqotay In Liverpool Ku Garaacdo Manchester United Saxeexa Darwin Nunez

Manchester United si weyn ayay u doonaysay weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo dhowaan u wareegay Liverpool, laakiin waxa Red Devils si lama filaan ah ay uga baxday doonista laacibkaas daqiiqadiihii ugu dambeeyey.

22 jirkan oo ay wehelinayso xaaskiisa Lorena Manas ayaa qalinka ku duugay heshiis lix sannadood ah oo uu u saxeexay Liverpool, iyadoo Benfica ay heshay £85 milyan oo Gini oo laba waji ugu dhacaysa qasnaddeeda.

Nunez ayay Liverpool siiyey lambarkii uu banneeyey Divock Origi ee 27, waxaase suurtogal ah in uu usoo guuro No.10 oo uu bixinayo Sadio Mane oo u wareegaya Bayern Munich oo maalinta Salaasada tijaabada caafimaadka u mari doona.

Liverpool uma ooyi doonto Mane waxaanay haddaba heshay ciyaartoy kaga fiican dhinaca gool-dhalinta ah oo ah Darwin Nunez oo 41 kulan oo xilli ciyaareedkii tegay uu u saftay Benfica u dhaliyey 34 gool oo dhamaan tartamada ah, halka labadii ciyaarood ee wareeggii siddeedda Champions League ee uu ka hor tegay Liverpool goolal ka dhaliyey.

Manchester United ayaa la rumaysnaa in ay si adag ugu tartami doonto Nunez, waxaana wargeyska The Athletic uu xaqiijiyey in Red Devils ay xataa xidhiidh la yeelatay maamulka kooxda reer Portugal ee Benfica.

The Athletic ayaa sheegay, in maamulka Manchester United loo ballamiyey madaxweynaha Benfica ee Rui Costa si ay uga wada-hadlaan iibka Darwin Nunez, hase yeeshee Costa iyo qoyskiisa ayaa ku sumoobay cunto oo xanuunsaday waqtigii ballanta.

Xaflad dhalasho oo uu xiddiga hore ee reer Portugal ee Rui Costa uu samaysay ayaa uu ku sumoobay, waxaana uu xanuun u jiifay in muddo ah, taas oo fursad u siisay Liverpool in ay meel cidlo ah ka hesho Nunez oo ay u saxeexay heshiis lix sannadood ah oo uu toddobaadkii mushahar ahaan uga qaadanayo £150,000 Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*