YAAB: Carragher Oo Ciyaartoy 15 Daqiiqo Garoonka Ku Jiray U Xushay Midka Ilaa Haatan Ugu Fiican Koobka Aduunka

khabiirka kubadda cagta England ahna daafacii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher ayaa doortay xiddiga ilaa haatan koobka aduunka ugu fiican walow uu muran ku dhaliyay aragtidaas.

Xiddiga uu u doortay ayaa ah da’yarka khadka dhexe ee Spain ee Pedri, inuu Pedri doortay ayaysan jamaahiirtu kasoo horjeedsan balse waxay la yaabeen inuu aragtidaas dhiibtay kulankii Spain v Costa Rica oo kaliya 15 daqiiqo markaas socday.

Spain ayaa burburisay Costa Rica iyagoo toddoba gool ku xaaqay natiijada ilaa haatan ugu weyn Koobka aduunka, Pedri ayaan gool dhalin balse saamayn weyn lahaa kulankaas.

“Pedri ayaa ah xiddiga ilaa haatan ee tartanka” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Jamie balse dadka bartiisa ku xidhan ayaa la yaabay degdegiisa.

Halkan hoose kaga boggo faalooyinka ay aragtida Carra kaga falceliyeen jamaahiirta ku xidhani:

“Waa hadal culus marka loo eego 15 daqiiqo inay tageen”

“Kulanku hadda ayumbu bilaabmay”.

“Qoraalkan ayaa adiga si fiican kuu qeexaya, waxaad tahay mid degdeg badan”.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*