Xulka Lama Filaanka Ah Ee Carlo Ancelotti Uu Taageerayo Koobka Adduunka & Sababta Oo Aanad Rumaysan Karin

Kaddib markii uu xulka qaranka Talyaanigu ka hadhay Koobka Adduunka ee uu usoo bixi waayay, tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti waxa uu go’aansaday inuu taageero waddan lama filaan ah oo muddo dheer ka maqnaa Koobka Adduunka balse sannadkan dib ugu soo laabtay.

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu shaaciyey, in uu taageerayo xulka qaranka Canada oo Koobka Adduunka ay ugu dambaysay sannadkii 1986kii, waqtigaas oo lagu qabtay waddanka Mexico, isla markaana Argentina ku guuleysatay.

“Anigu waxa aan taageereyaasha Canada Koobka Adduunka, sababtoo ah muddo dheer ayay ka maqnaayeen, waana dalkayga labaad.” Ayuu Carlo Ancelotti u sheegay warbaahinta Talyaaniga. Waxa uu intaa sii raaciyey: “Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Canada waa Abruzzo, sidaas ayuu qof walba u taageerayaa Canada.”

Xidhiidhka xooggan ee shaqsiga ah ee ka dhaxeeya Ancelotti iyo Canada

Inkasta oo shaqadiisa kubadda cagtu ay ku koobnayd Talyaaniga, Spain, Germany, England iyo France, haddana Carlo Ancelotti waxa uu xidhiidh qoto dheer la leeyahay Canada, waxaana uu u yaqaanaa inuu yahay dalkiisa labaad. Sababtu waxay tahay, xaaskiisa Mariann Auger McClay oo uu guursaday sannadkii 2014 ay tahay ganacsato reer Canada ah.

Markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2014, waxa uu Carlo Ancelotti muddo sannad ah ku noolaa magaalada Vancouver ee waddanka Canada ah, ka hor intii aanu dib ugu soo laabanin qaaradda Yurub ee aanu Bayern Munich tababaraha u noqdon. Waxa intaas dheer, in Madaxweynaha hadda ee CONCACAF ee Victor Montagliani uu asal ahaan kasoo jeedo Talyaaniga balse ku koray Canada. Waxa sidoo kale uu ahaa Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Canada intii u dhaxaysay 2012 illaa 2017.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*