Xogtii Ugu Dambaysay Ee Dhaawaca Trent Alexander-Arnold & Haddii Uu Kulanka Guul Ama Geerida Ah Ee Man City Diyaar U Yahay

Waxa xogo cusub laga helayaa xaalada dhaawaca daafaca midig ee kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold xilli bisha April ee berri bilaabmaysa ay kooxdiisa kusoo wajahan yihiin kulamo xilli ciyaareedkeeda qeexi doona.

Alexander-Arnold ayaa laba toddobaad kahor ku dhaawacmay gegida Emirates Stadium kahor intii aan la gelin kulamada fasaxa caalamiga ah.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska The Athletic, daafacaas ayaa tartan kula jira wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka ay 10-ka April fooda is-dari doonaan Manchester City oo ay horyaalka ku loolamayaan isla markaana aan la hubin haddii uu diyaar noqon doono.

23 sano jirkaas ayaa ka maqnaaday kulankii siddeed dhammaadka FA Cup ee Liverpool la ciyaartay Nottingham Forrest. Sidoo kale waxa aan loo qaadan xiddigaha xulka England ee kulamadii saaxiibtinimo ee Switzerland iyo Ivory Coast.

TAA ayaan la filayn inuu wax qayb ah ka qaadan doono kulanka Premier League ee ay Sabtida Liverpool kusoo dhawaynayso Anfield dhigeeda Watford.

Sidoo kale waxa loo badinayaa inuu ka maqnaan doono kulanka Champions League ee ay Salaasada booqanayaan Benfica ciyaar Champions League ah.

Kulanka 10-ka April ee Manchester City ayaa ah midka ugu soo horreeya ee uu Trent soo gaadhi karo balse tababare Jurgen Klopp ayaan garoomada kula soo deg-degi doonin si uusan halis u galin.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*