Arsenal waxa gilgilay dhaawacyo ka hor ciyaarta adag ee toddobaadkan ay la ballansan yihiin Crystal Palace iyaga oo laba ciyaartoy ku waayay kulankii guul-darrada ee Sporting Lisbon ay rikoodheyaasha kaga reebtay tartanka Europa League ee wareeggii 16-ka.
Arsenal ayaa qaybtii hore beddeshay William Saliba oo ah difaaca uu Mikel Arteta ugu kalsoonida badan yahay iyo Takehiro Tomiyasu oo laga saaray garoonka Emirates Stadium, iyadoo ciyaartoodaasina kusoo dhamaatay 1-1, isla markaana rikoodheyaashii ay ku badisay kooxda reer Portugal.
Dhakhaatiirta Arsenal ayaa gacanta ku haya xaaladda Tomiyasu oo sgal daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray uu taakal ku qabtay Francisco Trincao iyo William Saliba oo xanuun ka dareemay dhabarka oo qaybta hoose ah.
Labadooduba diyar uma aha ciyaarta Axadda ee Crystal Palace sida ay warbahinta Ingiriisku sheegayaan, balse Mikel Arteta ayaa laga sugayaa in maanta uu shaaciyo muddada ay garoomada maqnaanayaan iyo inta uu le’eg yahay dhaawacoodu.
Sida uu qoray wargeyska London Football, wali lama oga muddada ay garoomada ka maqnaanayaan William Saliba iyo Takehiro Tomiyasu, laakiin Eddie Nketiah ayaa waxa uu soo laabanayaa dhamaadka bishan March ama horraanta bisha dambe ee April.
Waxa aan illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn waqtiga uu garoomada kusoo noqon doono Mohamed Elneney oo hore loo sheegay inuu xilli-ciyaareedka macasalaameeyey.
Be the first to comment