Xiddigii Ugu Horreeyay Ee Chelsea Ah Oo Qirtay In Tartankii Horyaalka Lagaga Adkaaday

Kooxda Chelsea ayaa shalay guuldarro kasoo xambaaratay dhigeeda Manchester City oo ay ku booqatay gegida Etihad Stadium, gool cajiib ah oo uu daqiiqadii 70-aad shabaqa la gaadhay Kevin De Bruyne ayaa noqday midka ay labada kooxood ku kala baxeen.

Kulankaas kaddib ayuu kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta sheegay in tartankii horyaalka ay ugu jireen uu soo dhammaaday kaddib markii ay guushaasi ka saaciday City inay 13 dhibcood oo saafi ah hoggaanka kaga qabato.

Guuldarradaas ayaa ah kaliya midii saddexaad ee xilli ciyaareedkan soo gaadhay Blues balse xaqiiqada ah in 13 dhibcood laga horreeyo kooxda macalin Thomas Tuchel ayaa ah mid aad u adag.

Walow ay Blues booska labaad joogaan haddana doorkoodaas ayuu madaw badani ku jiraa sababtoo ah inay kulamo baaqi u yihiin Liverpool, West Ham, Arsenal iyo Tottenham.

Azpilicueta oo NBC Sports la hadlay kulankii shalay kaddib ayaa sheegay inay lumiyeen fursad ay tartanka horyaalka dib ugu soo noolayn karayeen balse ay iska lumiyeen.

“Kulanka kaddib way ka adagtahay sidii hore, 10 dhibcood ayaanu ka dambaynay waxaananu farqiga ka dhigi karaynay tobban dhibcood” ayuu yidhi Azpi.

“Dabcan, inaanu 13 dhibcood ka dambaynaa waa wax aad u adag, midaas (Inaanu Man City eryano) diirada ma saari karayno”

Guuldarradaas kaddib Chelsea ayaan wax guul ah gaadhin saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka halka ay kaliya afar guulood kasoo heleen 12kii ugu dambeeyay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*