Xiddigii Chelsea Iyo Arsenal Ee Willian Oo Kusoo Laabanaya Horyaalka Premier League & Kooxda Reer London Ee Uu Ka Degayo

Xiddigii hore ee Chelsea iyo Arsenal ee Willian ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xagaagan, sida ay sheegayaan warar kala duwan oo maanta ay daabaceen wargeysyada Ingiriisku, waxaana uu heshiis u saxeexi doonaa mid ka mid ah kooxaha Premier League.

33 jirkan oo xagaagiihore ka tegay Emirates Stadium kaddib waqti kooban oo uu u ciyaaray Arsenal oo aanu si fiican ula jaan-qaadin, ayaa waxa hadda la filayaa inuu dib usoo laabto.

Diiwaanka Arsenal ayay ugu jiraan 25 kulan oo kaliya oo Premier League ah oo uu u saftay isaga oo mushahar ahaana u qaadanayay £300,000 Gini toddobaadkii.

Muddo uu kaydka ku jiray kaddib, Willian ayaa ogolaaday inuu burburiyo heshiiskiisa Arsenal si uu bilaash ugu wareego kooxda kadhisan waddankiisa Brazil ee Corinthians, taas oo 35 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey hal gool oo kaliya, afar kalena uu caawiye uga noqday.

Willian ayaa hadda wada-hadallo kula  jira kooxda horyaalka Premier League dhowaanta usoo dallacday ee Fulham, taas oo haddii ay heshiis buuxa gaadhaan ka dhignaanaysa in uu mar kale dib ugu soo noqonayo magaalada London oo uu siddeed sannadood ka ciyaaray.

Waqtigiisii Corinthians ayaa la sheegay in uu la dhibaatooday dhaawacyo muruqa ah, waxaanay taasi keentay inuu doorbido inuu dib ugu soo laabto qaaradda Yurub.

Sannadkii 2013 ayuu Willian usoo guuray magaalada London markaas oo ay Chelsea kasoo iibsatay Anzhi Makhachkala, waxaanu usii weydaartay Arsenal ka hor intii aanu sannad  ka hor dib ugu laabanin dalkiisa Brazil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*