Xiddigaha Manchester United Oo Laba Garab U Kala Jabay & Khilaafka U Dhexeeya Ciyaartoyda Ugu Waaweyn

Qolka labbiska Manchester United ayuu ka jiraa khilaaf laba garab u kala jabiyey kooxda oo u dhexeeya labada laacib ee ugu waaweyn Red Devils, taas oo la xidhiidha masuuliyadda iyo cidda noqonaysa hoggaamiya ciyaartoyda.

Manchester United oo uu kabtan u yahay Harry Maguire oo xilkaas loo magacaabay lix bilood oo kaliya kaddib markii uu uga soo wareegay Leicester City oo ay kaga soo iibsadeen £80 milyan oo Gini ayaa waxa uu xilkaas ka dhaxlay Ashley Young oo isaguna waqtigaas tegay Inter Milan.

Difaaca reer England oo canaan badan loo jeediyey ayaa hoggaaminaya qayb ka mid ah ciyaartoyda kooxda oo ku taageersan inuu sii ahaado kabtanka naadiga, halka dersin ciyaartoyda kale ahina kasoo horjeedaan oo ay doonayaan in laga qaado Harry Maguire oo kabtanimada loo dhiibo Cristiano Ronaldo.

Khilaafkan dhinaca awoodda ah ee ka jirta qolka labbiska Manchester United ayaa uu la  kowsaday tababare Erik ten Hag oo tababarkii ugu horreeyey siiyey kooxda maalintii shalay.

Cristiano Ronaldo oo xilli ciyaareedkii tegay u dhaliyey Manchester United 24 gool oo 18 ka mid ah ay horyaalka Premier League ahaayeen ayaa waxa uu doonayaa in uu noqdo kabtanka  haddiiba uu sii joogo Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda oo ah sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa.

Ronaldo ayaa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago kooxda, laakiin haddii uu sii joogo, waxa uu qorshihiisu yahay inuu muquuniyo Harry Maguire oo uu kala wareego awoodda qolka labbiska iyo kabtanimada, waxaana uu garab ka helayaa ciyaartooyo kale oo ku taageersan arrintaas.

Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay in uu isaguna ka fiirsan doono in Harry uu sii ahaado kabtanka iyo inuu ka qaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*