Xiddiga Chelsea Ee Arsenal Iyo Man United Xiisaynayaan, Saddexda Liverpool Ka Baxaya & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Paris St-Germain xiddigeeda Lionel Messi ayaa ku dhaw inuu heshiis la gaadho kooxda ree Maraykan ee Inter Miami. (Times – subscription required)

Chelsea garabkeeda Christian Pulisic ayay indho indhayn ku sameeyeen Manchester United, Newcastle iyo Arsenal. (Mail)

Manchester United ayaa ka shaqaynaysa inay suuqa January amaah kula saxeexato Christian Pulisic. (ESPN)

Liverpool ayaa doonaysa saxeexa laba khad dhexe xagaaga dambe maadaama oo ay dhacayaan heshiisyada Alex Oxlade-Chamberlain iyo James Milner sidoo kalena ay fasaxayso Naby Keita. (Football Insider)

Liverpool ayaa laba ganacsato oo waaweyn oo bariga dhexe ah  wadahadalo kala yeelatay suurogalnimada kooxda loogaga iibin karo. (Mail)

Newcastle ayaa diyaar u ah inay xiddiga kooxda Vasco Da Gama ee Andrey Santos oo 18 sano jir ah u dhaqaaqdo suuqa January. (Northern Echo)

Rio Ferdinand ayaa sheegay in saaxiibkiisii hore ee kooxda ee David Beckham uu soo kaxaysan doono shuraako si uu u iibsado Red Devils isagoo lagu weheliyo. (FIVE)

Tottenham ayaa si weyn u xiisaynaysa garabka Club Brugge ee Andreas Skov Olsen suuqa January. (Het Nieuwsblad via Express)

Mustaqbalka fog ee goolhaye Emiliano Martinez ee Aston Villa ayuu shaki ku jiraa kaddib khilaaf ka dhex qarxay isaga iyo tababare  Unai Emery. (Football Insider)

Chelsea ayaa daawanaysay da’yarka daafaca dhexe ee xulka Ecuador ee Piero Hincapie koobka aduunka. (Mirror)

Juventus ayaa qorshaynaysa inay u dhaqaaqdo da’yarka weerarka Athletic Bilbao ee Nico Williams. (AS – in Spanish)

AC Milan ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan Noah Okafor oo ka tirsan Red Bull Salzburg. (Calciomercato – in Italian)

AC Milan ayaa sidoo kale doonaysa inay January Chelsea amaah kaga qaadato Hakim Ziyech. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Barcelona ayaa heshiis cusub oo shan sano ah u bandhigi doonta Alejandro Balde. (Fabrizio Romano)

Inter ayaa qorshaynaysa inay 20 Milyan oo pound ku qaadato daafaca bidix ee Fulham ee Antonee Robinson. (Sun)

Leeds ayaa heshiis cusub u bandhigaysa da’yarkeeda Mateo Joseph sanad kaddib markii uu kaga soo biiray Espanyol. (Sun)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*