Xiddiga Arsenal Ee Barcelona Bilaashka Loogu Bandhigay, Xogta Cad Ee Mustaqbalka Ronaldo & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Manchester United ayaa doonaysa saxeexa garabka Chelsea ee Hakim Ziyech kaddib markii ay awoodi wayday inay Timo Werner ka dulqaado RB Leipzig. (Manchester Evening News)

Newcastle United ayaa bartilmaameedsan karta garabka Chelsea ee Christian Pulisic. (The Athletic via Mail)

Chelsea ayaa u baahan doonta inay iska caabiso xiiso xilli dambe ah oo Juventus ku doonayso Jorginho haddii kooxdaasi Adrien Rabiot ka iibiso Manchester United. (Express)

West Ham ayaa dalab lacag badan ah ka gudbisay weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay. (Football Insider)

Cristiano Ronaldo ayaa sii joogi doona Man United haddii aan dalab lama filaan ah oo xilli dambe ahi iman. (AS – in Spanish)

Bordeaux ayaa Nottingham Forrest ka aqbashay dalab 4 Milyan oo euro ah oo ay kaga doonaysay weeraryahan Hwang Ui-jo. (L’Equipe – in French)

Forest ayaa dalab 30 Milyan oo pound ah Wolves uga gudbinaysa Morgan Gibbs-White kaddib markii dalab 25 Milyan oo gunooyin lagu daray laga soo diiday. (Mirror)

Napoli ayaa Tottenham heshiis amaah ah oo ay dookh u haysato inay rasmi ka dhigto kala gaadhay Tanguy Ndombele. (Fabrizio Romano)

Heshiiska uu Willian ugu biirayo Fulham ayaa halkii ugu dambaysay maraya kaddib markii uu kansalay heshiiskiisii Corinthians. (Nicola Schira)

Fulham ayaa doonaysa weeraryahan Bamba Dieng oo Marseille ka tirsan balse Celtic ayaa dhinaceeda ka rabta. (90min)

Manchester United ayaa bartilmaameed muhiim ah u calaamadsatay weeraryahanka Stuttgart ee Sasa Kalajdzic. (Sky Sports)

Leicester City ayaa diyaar u ah inay xagaaga dambe bilaash ku weydo Youri Tielemans haddii aysan xagaagan dalab macquul ah u helin xilli lala xidhiidhinayo Arsenal. (Times – subscription)

Chelsea weeraryahankeeda Kai Havertz ayaa xiiso ka helaya Bayern Munich balse kooxdaas ayaa ka warqabta in xagaagan saxeexiisu adkaanayo. (Sport – in German)

Arsenal daafaceeda Hector Bellerin ayaa saxeexiisa loo bandhigay Barcelona xilli uu kansadlida heshiiskiisa Gunners wadahadal kaga jiro. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Barcelona ayaa Man United wadahadalo kagala jirta iibka daafaca midig ee Sergino Dest oo ay 20 Milyan oo euro ku doonayaan. (Sport via Bild)

Manchester United ayaa sii wada raadinta goolhaye dookha labaad u noqda De Gea, Alex McCarthy oo Southampton ka tirsan ayay isha ku hayaan. (90min)

Ander Herrera ayaa aqbalay heshiis uu dib ugu laabanayo Athletic Bilbao haddii uu inta ka hadhay heshiiskiisa PSG kooxdaasi dhaqaale ahaan la meel dhigi karo. (L’Equipe – in French)

Chelsea ayaa dalab 15 Milyan oo pound ah ka gudbisay khadka dhexe ee Cesare Casadei balse Inter Milan ayaa 15 Milyan oo pound ku doonaysa iibka 19 sano jirkaas. (La Gazzetta dello Sport- in Italian)

West Ham ayaa dalab 25 Milyan oo pound oo ay ka gudbisay khadka dhexe ee Sporting ee Matheus Nunes laga soo diiday kaddib markii ciyaaryahanku cadeeyay inuusan doonayn inuu ku biiro. (Mail)

Guardiola ayaa rajaynaya in Sergio Gomez uu noqdo saxeexoodii ugu dambeeyay xagaagan iyadoo uu 10 Milyan oo euro ugaga yimid Anderlecht. (Guardian)

Bruno Lage ayaa sheegay in kooxdiisa Wolves heshiis cusub oo uu toddobaadkii 100,000 oo pound ku qaadanayo u bandhigayaan Ruben Neves oo xiiso uga imanayo Man United iyo Arsenal. (Sun)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*