Xiddiga 100-ka Milyan Ah Ee Chelsea Iyo City Ku Tartamayaan & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Arsenal ayaa dalab 101 Milyan oo pound ah Juventus kaga doonan karta weeraryahan Dusan Vlahovic iyo 19 sano jirka khadka dhexe ee Fabio Miretti. (Sun)

Arsenal ayaa Eintracht Frankfurt  xidhiidh kala samaysay 22 sano jirka garabka weerar ee Jesper Lindstrom. (Mail)

Trevoh Chalobah, daafaca dhexe ee Chelsea ayuu Jose Mourinho amaah kaga doonayaa AS Roma suuqa January. (Corriere dello Sport – in Italian)

Juventus ayaa ka fikiraysa inay suuqa January u dhaqaaqdo garabka kooxda Wolves ee Adama Traore. (Birmingham Mail)

Juventus ayaa sidoo kale xiisaynaysa Greizmann oo Atletico Madrid amaah ku jooga, Marco Asensio oo heshiiskiisa Real Madrid xagaaga dambe dhacayo iyo garabka Chelsea ee Christian Pulisic. (Football Italia)

Barcelona ayaa dedejinaysa dhammaystirka heshiis 22 Milyan oo pound ah oo ay Greizmann kaga iibinayso Atletico Madrid. (Mail)

Chelsea ayaa dalab ka gudbisay halka Arsenal la xidhiidhay Everton kahor intii uusan Richarlison ku biirin Tottenham. (Goal)

Liverpool ayaa wadahadalo heshiis kordhin la furtay Naby Keita kuna rajo weyn inay heshiis la gaadhi doonto. (Football Insider)

Newcastle United ayaa qorshaysay bartilmaameedyadeeda suuqa January waxayna markale xiisaynaysaa khadka dhexe ee Leicester City ee James Maddison. (Leicester Mercury)

Denis Zakaria ayaa sheegay in Chelsea saxeexiisa maalintii ugu dambaysay suuqa ku garaacday Liverpool markii uu amaahda kaga imanayay Juventus. (Blick – in German)

Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Man City ayaa isha ku haya 21 sano jirka khadka dhexe ee Villarreal ee Alex Baena oo heshiiskiisa 35 Milyan oo euro lagu jabin karo. (Sport – in Spanish)

Chelsea iyo Man City ayaa xiisaynaysa garabka AC Milan ee Rafael Leao oo lagu qiimeeyay lacag ka badan £100m. (Manchester Evening News)

Tottenham tababaraheeda Antonio Conte ayaa u furan ku laabashada Juventus haddii kooxdaas laga caydhiyo Massimiliano Allegri. (Star)

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*