Tiro ciyaartooyo Manchester United ah ayaa la filayaa inay xagaagan ka tagaan Old Trafford, waxaana mid ka mid ahi uu waqti horeba ciyaartoyda kooxdiisa u sheegay in uu soo gabogabeeyo waayihiisa Red Devils marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.
Tababare Erik ten Hag ayaa waqti hore xaqiijiyey in uu isbeddello ku samayn doono kooxdiisa oo ay jiri doonaan ciyaartooyo tegi doona iyo wajiyo cusub oo iman doona maarka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda.
Khamiistii markii ay Manchester United xaqiijisatay inay usoo gudubtay tartanka Champions League ee ay 4-1 ku garaaceen Chelsea, ayaa waxa uu Ten Hag sheegay in si ay ula tartami karaan kooxaha ka sarreeya, in ay u baahan yihiin ciyaartooyo tayo leh oo ay suuqa ka doonan doonaan.
Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, laacibka khadka dhexe ee Scott McTominay ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa in uu ka tegi doono Old Trafford marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan foodda inagu soo haya.
26 jirkan oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester United ayaa waxa uu kooxda koowaad u saftay kulankiisii koowaad oo uu Jose Mourinho fursadda siiyey, ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan noqday kayd aan inta badan la isticmaalin, isaga oo afar kulan oo kaliya kusoo bilowday.
MacTominay oo 207 ciyaarood oo uu u saftay Man United u dhaliyey 19 gool ayaa waxa la sheegay in Red Devils ay diyaar u tahay inay ku iibiso £25 milyan oo Gini.
Be the first to comment