Xiddig Laga Caydhiyey Xulka Qaranka Iran Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

Xiddig ka tirsan xulka qaranka Iran oo laga saaray xulka qaranka dalkaas ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, iyadoo lagu eedeeyey inuu wax ka sheegay dawladda dalkaas oo uu waliba taageeray mudaharaadeyaasha.

Ciidamada waddanka Iran ayaa qabtay oo jeelka dhigay xiddiga xulka qaranka dalkaas ee Voria Ghafouri oo maalmo ka hor laga reebay xulka qaranka Iran ee Koobka Adduunka, kaas oo tababare Carlos Queros uu liiskii kama dambaysta ahaa ee uu u gudbiyey FIFA aanu kusoo darin.

Voria Ghafouri ayaa la sheegay in waqtigii la xidhayay uu tababar la qaadanayay koox yar oo lagu magacaabo Foolad Khuzestan, isla markaana uu ku sugnaa gudaha dalkiisa Iran.

35 jirkan ayaa lagu eedeeyey in uu hoos u dhigay sumcadda xulka qaranka Iran, isla markaana faafiyey borobogaandho iyo been abuur ka  dhan ah dalakiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars News Agency.

Waxa kale oo Voria Ghafouri lagu eedeeyey in uu taageersan yahay mudaharaadeyaasha kasoo horjeeda dawladda ee dumarka u badan, kuwaas oo ka gadoodsan geerida haweenay lagu magacaabi jiray Mahsa Amini oo ku baxday gacanta booliska September 16.

Xiddiga la xidhay ee Voria Ghafouri ayaa la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo qowmiyadda Kurdish-ka ee tirada yar ee dalkaas, waxaana uu sidoo kale ku jiray xiddigihii xulka Iran ee Koobkii Adduunka ee 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*