Xavi Oo Digniin Horyaalka La Liga Ah U Diray Carlo Ancelotti Iyo Kooxdiisa Real Madrid!!

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa dhigiisa Real Madrid ee Carlo Ancelotti farriin la xidhiidha fursadooda horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan u diray.

Madrid ayaa ah kooxda difaacanaysa horyaalka xilli ciyaareedkan iyaga oo 2021-22 isku soo wada darsaday La Liga iyo Champions League lagabada.

Markale kooxda caasimada Spain ayaa qaab xoogan ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyagoo soo guuleystay dhammaan kulamadii ay tartamada oo dhan ka ciyaareen xilli ciyaareedka.

Barca ayaa fursad ahaan xilli ciyaareedkan sidii hore ka wanaagsan ilaa haatan balse waxay laba dhibcood ka dambeeyaan Los Blancos kaddib laba dhibcood oo ay lumiyeen kulankii furitaanka.

Xavi oo la hadlay wargeyska El Chiringuito ayaa sheegay inay xilli ciyaareedkan sidii hore ka fursad badan yihiin wuxuuna yidhi “Sanadkan waanu uga dhawnahay (Horyaalka sidii hore), sidaas ayaan filayaa”.

Awooda labada kooxood ayaa aad u sarreysa kahor kulankooda 16-ka bisha dambe ee October markaas oo ay wadajir iskugu dayi doonaan in midkoodba midka kale tuso sababta uu horyaalka ugu guuleysanayo.

Weeraryahan Robert Lewandowski oo 45 Milyan oo euro Bayern Munich xagaagii kaga yimid ayaa ah hubka ugu weyn ee Xavi iyo Barca koobabka ku doonayaan xilli ciyaareedkan, 34 sano jirkaas ayaa durba 11 gool usoo dhaliyay Barca tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*