Xataa Lambarkiisii Waa La Diyaariyey!! Neymar Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Premier League

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa loosoo diyaariyey lambarkii uu u xidhan lahaa kooxda uu Sucuudigu lacagta badan ku maalgelinayo ee Newcastle United, taas oo doonaysa inay kala soo wareegto Paris Saint-Germain.

Neymar ayaa lagu soo warramayaa in uu Madaxweynaha PSG ee Nasser Al Khelaifi uu u sheegay in aanay kooxdiisu doonayn in uu sii joogo, isla markaana ay jeclaan lahaayeen haddii uu raadsado koox uu u ciyaaro, iyadoo si weyn ay hoos ugu dhigayaan qiimihiisa.

Kooxo ay ka mid yihiin Manchester United iyo Chelsea ayaa la sheegay inay xiisaynayaan 30 jirkan, laakiin Newcastle United ayaa ah halka ugu suurtogalsan ee uu tegi karayo, maadaama dhaqaale ahaan ay awoodi karayaan inay bixiyaan mushaharkiisa waallida ah oo usbuucii ah £490,000 Gini.

Newcastle United oo bishii January la soo saxeexatay Joelinton iyo Bruno Guimaraes oo iyaguna reer Brazil ah, ayaa waxa Neymar oo kula soo biira  mashruuca cusub ee ciyaareed ay u arkaan inuu gaadhsiin doono heer ay sannado kooban gudahood ku tartamaan horyaalka Premier League.

Joelinton oo ah ciyaartoyga haysta No.10 ee uu Neymar jecel yahay, ayaa waxa uu laacibkan ay isku waddanka yihiin u diray farriin isaga oo sheegay in uu ku wareejinayo lambarkan haddii uu yimaaddo Newcastle United.

“Aniga Neymar wuxuu ii yahay ciyaartoy aan ku daydo, sidoo kale dad badan ayaa ku dayda, waanan ku casuumayaa lambarkan.” Ayuu yidhi Joelinton.

25 jirkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Neymar-oow, haddii aad i dhegaysanayso, waad  iman kartaa halkan!”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*