Xaqiiqada Haddii Man United Caydhinayso Ronaldo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa doonaya inuu u dagaalamo booskiisa Barcelona xilli kooxdaasi diiday dalab 12 Milyan oo pound ah oo ay uga heshay Chelsea. (Deportivo Mundo via Mirror)

Barcelona ayaa Pierre-Emerick Aubameyang ku doonaysa 23 Milyan oo pound. (Metro via Gerard Romero)

Chelsea ayaa wadahadalo dheeraad ah la yeelatay Aubameyang. (Mail)

Barcelona tababaraheeda Xavi ayaa kooxda weydiistay inay Lionel Messi dib ugala soo saxeexdaan Paris St-Germain. (Sun)

Manchester United ayaa liiska kooxaha xiisaynaysa khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo kula biirtay Arsenal iyo West Ham United.. (Mirror)

Manchester United ayaa Cristiano Ronaldo u bandhigtay kooxaha Inter Milan iyo AC Milan balse labaduba way diideen. (Tancredi Palmeri via Sun)

Manchester United ayaa beenisay wararka sheegaya in heshiiska Cristiano Ronaldo la kansalayo. (Sky Sports)

Nottingham Forest ayaa ku dhaw saxeexa khadka dhexe ee Lyon ee Houssem Aouar oo mar lala xidhiidhinayay Arsenal. (Sky Sports Italy via Metro)

Nottingham Forest ayaa dalab 17 Milyan oo pound ah Eintracht Frankfurt uga gudbisay khadka dhexe ee Djibril Sow. (TalkSport)

Leicester City ayaa diyaar u ah inay bartilmaameedka Arsenal ee Youri Tielemans bilaash ku fasaxdo xagaaga dambe. (Times – subscription)

Everton ayaa xiisaynaysa weeraryahan Armando Broja balse Chelsea ayaa diidan inay fasaxdo. (CBS Sports)

Everton ayaa Rennes dalab uga gudbisay weeraryahan Serhou Guirassy. (Mail)

Southampton weeraryahankeeda Che Adams ayaa meel sarre kaga jira liiska weeraryahanada ay doonayso Everton. (Telegraph – subscription)

West Ham ayaa Spezia dalab 8.5 Milyan pound ah uga gudbisay daafaca Jakub Kiwior oo sidoo kale AC Milan xiisanayso. (Calciomercato – in Italian)

Nice ayaa Chelsea wax ka weydiisay daafaca bidix ee Emerson Palmieri. (Fabrice Hawkins via Get French Football News)

Brighton ayaa Villarreal wadahadalo kagala jirta daafaca bidix ee Pervis Estupinan. (Mail Online)

Everton ayaa la saxeexan karta khadka dhexe ee Villarreal ee Nicolas Jackson oo heshiiskiisa 27 Milyan oo pound lagu jabin karo. (Football Insider)

Bournemouth ayaa xiisaynaysa inay daafaca ree Ghana ee Abdul Mumin kala soo wareegto Guimaraes. (L’Equipe – in French)

1 Trackback / Pingback

  1. Horyaalka Premier League Kooxdee Ugu Cadcad IN UU KU BIIRO -

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*