“Xagee Ayuu Ku Maqnaa….?” Canaanta Ku Socota Gareth Bale Oo Iskaga Maqnaaday Xafladdii Dabbaal-degga Hanashada Horyaalka Ee Real Madrid

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa si weyn loogu canaanayaa baraha bulshada, kaddib markii uu ka maqnaaday tababarkii uu ka maqnaaday xafladdii Real Madrid ay ugu dabbaal-degaysay ku guuleysiga horyaalka Spain ee LaLiga oo caawa fiidkii lagu qabtay Santiago Bernabeu iyo barxadda weyn ee badhtamaha magaalada Madrid.

Los Blancos ayaa horyaalka la guddoonsiiyey markii ay -0 ku garaacday Espanyol, lalamana sugin kulanka ugu dambeeya ee caadiyahan kooxda horyaalka ku guuleysata lagu siin jiray koobka.

Laba gool oo uu Rodrygo Goes u dhaliyey qaybtii hore iyo laba ay ku dareen Marco Asensio iyo Karim Benzema ayaa guushan u horseeday iyadoo afar ciyaarood ka hadhsan tahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Ciyaartoyda kooxda oo dhan iyo qoysaskooda ayaa ciyaartan yimid garoonka Santiago Bernabeu, xataa kuwii ganaaxa ahaa iyo kuwii dhaawacyada qabay oo ay carruurtooda iyo xaasaskoodu la socdaan, laakiin Gareth Bale oo ciyaarta ka hor uu Carlo Ancelotti sheegay inuu xanuun ka dareemayo dhabarka ayaan imanin garoonka.

Wariyaha reer Spain ee Lucas Navarette ayaa xaqiijiyey in Gareth Bale aanu gebi ahaanba ka qayb-gelin dabbaal-degyada ay kooxdiisu samaynaysay, iyadoo magaalada dhexdeeda ay kooxdu kusoo martay bas weyn oo ay qaarkood dusha ka saaran yihiin, isla markaan taageereyaashu waddooyinka u taagnaayeen.

“Ciyaartoydii dhaawacnaa iyo kuwii ganaaxa ahaaba waxay qayb yihiin dabbaal-degga hadda socda oo ay kusoo biireen. Qof kasta oo kooxda ahi wuu joogaa, laakiin Gareth Bale kuma jiro.” Ayuu wariye Lucas Navarette ku sheegay war kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Fagaaraha Cibeles fountain ee badhtamaha magaalada Madrid ee ay ciyaartoyda iyo taageereyaashu iskugu tageen ayaanu sidoo kale joogin.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa aad uga cadhooday falkan uu sameeyey Gareth Bale oo xagaagan ka tegi doona Real Madrid, isla markaana soo afjari doona muddo sagaal sannadood ahayd oo uu ka ciyaaray Santiago Bernabeu.

Bale ayay Real Madrid sannadkii 2013kii, waxay milyan oo Gini kaga soo iibsatay Tottenham, waxaanu illaa waqtigaas u saftay 258 ciyaarood oo uu u dhaliyey 106 gool.

Waxa uu la qaaday 15 koob oo ay ku jiraan  saddex horyaal oo LaLiga ah iyo afar Champions League, waxaase uu hadda kusoo afjarayaa waayihiisii Santiago Bernabeu colaad iyo cuqdad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*