WOW: Dhaawacii Al Shahrani Oo Diyaarada Khaaska Ah Ee Mohamed Bin Salman Lagu Qaaday & Dalka Markiiba Caafimaadka Loo Geeyay

Daafaca bidix ee Saudi Arabia ee Yasser Al-Shahrani ayuu gaadhay dhaawac halis ah oo ah jabniin dhinaca daanka ah iyo qaar kamida lafaha wajiga kaddib markii ay isku dhaceen goolhayihiisa Mohammed Al-Owais kulankii ay shalay guusha 2-1 ah ka gaadheen Argentina.

Al-Shahrani ayaa marka garoonka sariirta lagaga qaadayay isku dayay inuu qalbiga u dajiyo jamaahiirta isagoo labadiisa suul ku tilmaamay inuusan wax halis weyn ah qabin balse xadiga dhaawaciisa ayaa la ogaaday kaddib markii dhakhtarka loo qaaday.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dhaxal sugaha dalkaas ee Mohamed Bin Salman amray in deg-deg loogu qaado diyaaradiisa khaaska ah oo dhakhtar loo geeyo dalka Germany.

Dhacdada shilka ah ayaa dhacday daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyadoo Al-Shahrani oo raacanayay daafaca midig ee Argentina ee Molina uu ku dhacay jilibka goolhaye Al-Owais.

Garsoore Slavko Vincic oo eedaymo badan kala kulmay kulankii shalay loona arkayay mid Sucuudiga ku foorara ayaa kulanka sii waday waxyar iyadoo uu dhulka yaalo Al Shahrani oo dhaawacani.

Image

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*