Weeraryahanada Ay Doonayaan Man United Iyo Arsenal, Kante Oo Ku Gacan Saydhay PSG & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Kalvin Phillips ayaa u sheegay Leeds United inuu diyaar u yahay inuu xagaaga heshiis cusub saxeexo taas oo niyad jab ku ah kooxihii xiisaynayay ee ay kamidka ahaayeen Manchester United, Liverpool, Newcastle, West Ham iyo Aston Villa. (Mirror)

Manchester United ayaa xiisaynaysa weeraryahanka Benfica ee Darwin Nunez oo 60 Milyan oo pound lagu qiimeeyo balse fursada ay kula soo saxeexan karto ayaa ku xidhnaan doonta inay Champions League usoo baxaan xilli ciyaareedka dambe. (Telegraph – subscription needed)

Nunez ayaa u sheegay Benfica inuu bixitaan doonayo xagaaga waxaana uu xiisaynayaa ka ciyaarista Premier League. (90min)

Arsenal ayaa u dhaqaaqi karta weeraryahanka Juventus bilaashka kaga tagaya ee Paulo Dybala oo ay u arkaan dookh ka jaban bartilmaameedyadeeda uu kamidka yahay Nunez. (Football.London)

Everton ayay tahay inay xagaaga iibiso mid ahaan weeraryahanadeed Dominic Calvert-Lewin ama Richarlison kaddib markii ay shaacisay inay khasaare 121 Milyan oo pound ah gashay sanadkii tagay. (Sun)

Manchester United ayaa ururinaysay xog la xidhiidha qaabka ay ku heli karaan tababaraha Ajax ee Erik ten Hag waxaana kamid ah lacagaha ay mag-dhaw ahaan u doonayso Ajax kaddib waraysi ay ka qaadeen tababaraha. (Sky Sports)

Ten Hag ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara in Man United lasoo saxeexato Cody Gakpo oo PSV ka tirsan haddiiba 52 sano jirkaas laga dhigo macalinka Old Trafford. (MEN)

Inter Milan ayaa isku dayi karta inay heshiis amaah ah dib Romelu Lukaku ugaga qaadato Chelsea. (Calciomercato – in Italian)

Steven Bergwijna ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Tottenham iskaga tago xagaaga sanadkan. (Mail)

Weeraryahan Patrik Schick oo lala xidhiidhinayay Arsenal iyo Barcelona ayaan xagaagaa laga fasixi doonin Bayer Leverkusen sida uu sheegay madaxa kooxdaasi. (Goal)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahan Tammy Abraham oo AS Roma 23 gool usoo dhaliyay xilli ciyaareedkan. (Corriere dello Sport – in Italian)

Newcastle United ayaa u dhaqaaqaysa daafaca bidix ee kooxda Bologna ee Aaron Hickey oo 15 ilaa 20 Milyan oo pound lagu fasixi karo. (Fabrizio Romano)

Chelsea khadkeeda dhexe ee N’Golo Kante ayaa diiday heshiis uu PSG ugu biiri karayay suuqii January. (Le Parisien)

AC Milan ayaa dib uga fikiraysa heshiiska ay Real Madrid kaga doonaysay Marco Asensio kaddib markii ay ku qanci wayday mushaharaadka uu 26 sano jirkaasi dalbanayo. (Tuttosport)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*