“Waxkasta Ayaanu U Samayn Doonaa Si Aanu…” – Ten Hag Oo Ballanqaad Weyn U Sameeyay Jamaahiirta Man United

Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa ballanqaad u sameeyay taageerayaasha kooxdaas kahor kulanka afar dhammaadka Carabao Cup ee ay caawa la ballansan yihiin Nottingham Forest.

Ballanqaadka uu Erik u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa ayaa ah inay waxkasta u samayn doonaan sidii ay koob ugu guuleysan lahaayeen xilli ciyaareedkan.

Manchester ayaa ku jirta abaartii ugu dheerayd ee dhinaca Koobabka 40-kii sano ee ugu dambeeyay iyadoo Koobkoodii ugu dambeeyay ahaa Europa League 2017.

Ten Hag iyo xiddigihiisa ayaa caawa marti ku ah City Ground oo ay ugu tagayaan Nottingham, tababaraha Dutch-ka ah ayaa doonaya inuu korodhsado lix koob oo uu Ajax kula soo guuleystay.

“Waa dareenka ugu fiican ee aad heli karto inaad koob ku guuleysataa, waayahayga tababarenimo waxaan lahaa nasiibka aan koobab ugu soo guuleystay waana wax weyn, gaar ahaan taageerayaasha ayuu u yahay” ayuu yidhi Erik.

“Waa wax aad u weyn waxaanan filayaa in taageerayaasha halkan joogaa ay khibrad u leeyihiin, gaar ahaan kuwooda waaweyn”

“Laakiin haatan waxaanu ku jirnaa wakhti aysan Man United mudo waxba ku guuleysan mudo aad u dheer ayaana kasoo wareegtay, waanu ka warqabnaa xaqiiqadaas waxkasta ayaananu u samayn doonaa si aanu koob u keeno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*