Waxay Illoobeen Halka Ay Joogaan – Waa Maxay Ficilka Ay Sameeyeen Mohamed Salah Iyo Alexander-Arnold Ka Hor Kulankii Crystal Palace Oo La Hadal Hayo?

Xiddigaha Liverpool ee Trent Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah ayaa hadal hayn badan abuuray Isniintii ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii ay kooxdoodu barbarraha la gashay Crystal Palace ee ka dhacday Anfield.

Liverpool barbarro waqti dambe ah ka tuugtay Crystal Palace oo gool dhashatay qaybtii hore, waxaana uga horreeyey barbarro kale oo 2-2 ah oo ay toddobaadkii hore lasoo galeen Fulham, taas oo ka dhigan in aanay Liverpool illaa hadda wax guul ah kasoo hoynin horyaalka Premier League.

Ciyaartan oo uu kaadh casaan ah ka qaatay Darwin Nunez ayaa ka hor intii aanay bilaabmin, waxa garoonka isku dhex illoobay Mohamed Salah iyo Alexander-Arnold oo ka hadhay ciyaartoyda kale, waxaanay taasi keentay in lagu maadsado inay seexdeen, hase yeeshee mar dambe ayay baraarugeen, iyaga oo ogaaday inay meel cidlo ah kalidood taagan yihiin.

Labadan ciyaartoy ayaa waqti dambe arkay iyadoo ciyaartoydii kale ee kooxdu ay ka tageen oo ay sawirro gelayaan maaadaama ay ahayd ciyaartoodii koowaad ee Anfield, sidoo kalena loo daaray heesta kooxda.

Mohamed Salah oo dhinaca koornaha xigay ayaa mar dambe arkay iyadoo ciyaartoydii dhinaca midig ka xigtay Alexander-Arnold aanay meeshaba joogin, isla markaana ciyaartoy maqan uu iska garab taagan yahay, waxaanu riixay 23 jirkan iyagoo sidaas kaga daba tegay kooxdooda.

Baraha bulshada ayay taageereyaashu kaga falceliyeen, sidoo kalena warbaahinta Ingiriiska ee ciyaaraha ayaa dhacdadan bogaggooda hore ku daabacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*