WARKII LA SUGAYAY: Mulkiileyaasha Manchester United Ee Glazers Oo Shaaciyey Qiimaha Ay Ku Iibinayaan Kooxda

Mulkiileyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaaciyey qiimaha lacagta ay ku iibinayaan naadigan, kaddib markii uu ninka  ugu taajirsan dunidu uu sheegay inuu iibsanayo naadigan, inkasta oo uu saacado ka hor haddana xusay inuu iska kaftamayay.

Qoyska reer Glazer oo Manchester United iibsaday sannadkii 2005 ayaa waxa muddooyinkii dambe ku mudaharaadayey taageereyaasha oo kasoo horjeeday, waxaanay ku eedaynayaan in kaliya kooxda ay lacagta ka gurtaan balse aanay waxba dib ugu celinayn oo ay burburiyeen.

Siddeeddii sannadood ee u horreeyey ee Glazers ay ahaayeen mulkiileyaasha ayay Manchester United guulo badan gaadhay, iyadoo uu tababare u ahaa Sir Alex Ferguson, laakiin wixii ka dambeeyey 2013 ayaanay ku guuleysanin horyaalka, iyadoo shantii sannadood ee tagtayna aanay wax koob ah qaadin, taas oo ka dhigan inay ku jiraan abaartii ugu xumayd ee dhinaca koobabka ee tan iyo 1970-meeyadii.

Elon Musk oo ah ninka ugu taajirsan dunida ayaa markii uu maanta shaaciyey inuu doonayo inuu iibsado Manchester United, waxay qoyska iska leh kooxdu cirka geeyeen qiimaha lacagta ay doonayaan inay ku iibiyaan oo aad uga sarraysa middii uu Roman Abramovich ku iibiyey Chelsea.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku kusoo warramayaan, Glazers ayaa waxay sheegeen in ay kooxda ku iibinayaan $6 bilyan oo dollarka aMaraykanka, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigi doonta koooxda ugu qaalisan taariikhda dunida, iyaga oo dhaafi doona Chelsea oo bishii May ay Rod Boehly iyo ganacsato kale kaga iibsadeen Roman Abramovich $5.2 bilyan oo dollar.

Si kastaba ha ahaatee, taageereyaasha Manchester United ayaa waxay qorshaynayaan in ka hor ciyaarta Isniinta ee Liverpool ay ku mudaharaadaan qoyska reer Glazers oo ay horena sidan oo kale dhawr jeer ugu mudaharaadeen, iyaga oo ka dalbanaya inay kooxda iibiyaan oo ay faraha kala baxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*