Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Mustaqbalka Cristiano Ronaldo, Ku Laabashadiisa Madrid & Qandaraaskiisa Juventus

Wakiilka Cristiano Ronaldo oo lagu magacaabo Jorge Mendes ayaa lagu waramayaa inuu wadahadalo aan toos aheyn kala yeeshay Real Madrid inuu xiddigaan ku laabto kooxda.

Waxaa la iska dhexmarayaa in Juventus ay iska iibineyso Ronaldo ka dib markii ay Champions League uga hareen gacmaha FC Porto.

Inuu dib ugu biiro Real Madrid oo aan weli helin bedelkiisa Bernabeu ayaa ah wax dhici kara.

Barnaamijka Spain ka baxa ee El Chiringuito ayaa sheegaya in wakiil Mendes uu durbaba la hadlay Los Blancos iyadoo ay suurtogal tahay in heshiis lama filaan ah la gaaro.

Wargeyska Marca ayaa iyagana xaqiijiyay in wadahadalka Ronaldo iyo Real Madrid inuu dib u bilowday sannad ka hor, islamarkaana ay maankiisa soo gashay inuu dib ugu soo laabto Los Blancos.

Xiddigaan oo 36 sanno jir ah ayaa isaga iyo kooxdiisaba waxay wajaheen todobaadkan niyadjab weyn ka dib markii ay ka hareen Champions League.

Ronaldo ayaa si xoogan loogu dhaleeceeyay doorkii uu ku lahaa isagoo dusha xijiyay laadkii xorta aheyd ee soo saaray kooxda reer Portugal.

Waxay taasi noqon kartaa wixii ugu danbeeyay ee uu sameeyo intii uu joogay Juventus iyadoo la iska dhexmarayo in kooxda Juve ay dooneyso inay iska iibiso xagaagan/

Inkastoo qandaraaskiisa Talyaaniga uu dhacayo sannadka 2022, hadana waxaa hore loola xiriirinayay inuu lacag qaali ah ugu wareegayo Shiinaha ama Mareykanka.

Wariyaha Talyaaniga Emanuele Gamba ayaa u sheegay Calciomercato inuu aaminsan yahay in Ronaldo uu ugu yaraan 12 bilood kale sii joogi doono Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*