Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Caawa Oo Arbaco Ah Ay Qoreen Wargeysyada Waaweyn Ee Yurub

Mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa marba waji yeelanaya. 25 jirkan oo la sheegay in Chelsea ay heshiis  la gaadhay kooxdiisa Leeds United, sidoo kalena heshiiskiisa shaqsiga ah la filayay in la dhamaystiro toddobaadkan, ayaa waxa maanta magaalada Barcelona ka degay wakiilkiisa Deco oo wada-hadallo la leh kooxda reer Spain oo iyaduna doonaysa xiddigan.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa digniin u diray Barcelona oo ka doonaysa weeraryahanka reer Poland  ee Robert Lewandowski oo isaguna doonaya inuu iskaga tago Bavaria. Munich ayaa dalbanaysa 50 milyan oo Euro, sidoo kalena waxay farriimo joogto ah u dirayaan Barcelona. Madaxweyne sharafeedka Munich ee Uli Hoenes ayaa u sheegay Barcelona in aanay waqtiga iska lumin ee ay dedaalkeeda meel kale ku bixiso, go’aanka laacibkanna uu yahay mid u yaalla Munich maadaama uu heshiis kula jiro.

Griezmann ayaa xilli ciyaareedka dambe sii joogi doona Atletico Madrid. Diego Simeone ayay kooxdiisu shalay cusboonaysiisay heshiiskii ay kula jirtay Barca ee ay laacibkan amaahda kaga soo qaadatay sannad ka hor. Rojiblanco ayaa laga doonayay in haddii ay sii haysanayso laacibkan ay wargeliso Barca ka hor inta aan la gaadhin dhamaadka bisha June, haddii ay u baahan yihiin saxeexiisa oo rasmi ahna waxay bixinayaan 40 milyan oo Euro.

Difaaca midig ee Arsenal ee Hector Bellerin ayaa dib ugu laabtay magaalada London, waxaanauu iska xaadiriyey garoonka tababarka, hase yeeshee waxa uu dalab ka  sugayaa Real Betis oo uu doonayo inuu u wareego, maadaama Mikel Arteta uu u caddeeyey in aanu ku jirin qorshihiisa.

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa dib ugu laabtay Inter Milan oo uu heshiis sannad ah oo amaah u saxeexay. Taageereyaasha ayuu u gacan-haadiyey, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kusoo laabto San Siro oo uu sannad ka hor uga wareegay Chelsea.

Serge Gnabry ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid iyo kooxo kale oo Premier League ah usbuucyadii ugu dambeeyey,hase yeeshee Bayern Munich ayaa iyaduna doonaysa inay qandaraaska u kordhiso laacibkan asal ahaanta kasoo jeeda Ivory Coast oo heshiiskiisa uu sannadka hadhsan yahay.

Pep Guardiola qalad weyn ayuu ku sameeyey inuu ogolaado, in Gabriel Jesus uu ka tago Manchester City xagaagan oo uu waliba u wareego koox kale oo Premier League ah, sida uu ku dooday halyeygii khadka dhexe ee reer Germany ee Dietmar Hamann. Jesus ayaa tijaabada caafimaadka u maray Arsenal oo ku iibsatay 52 milyan oo Euro.

Paris Saint-Germain ayaa la saxeexanaysa xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal ee Renato Sanchez oo hore loola xidhiidhinayay AC Milan. Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Luis Campos iyo tababaraha cusub ee shaacintu u hadhsan tahay ee Christophe Galtier ayaa doonaya  in laacibkani uu yimaaddo Parc des Prince.

Arsenal ayaa dalabkii saddexaad ka gudbisay difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo u ciyaara Ajax, kaas oo hore ugu jiray liiska ciyaartoyda ay doonayso Manchester United. Gunners ayaa dalabkan saddexaad ee ay dirtay waxay dul-dhigtay Martinez lacag gaadhaysa £34 milyan oo Gini.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Dani Ceballos ayaa dareensan in fursaddiisii Santiago Bernabeu ay dhimatay oo aanu heli doonin waqti ciyaareed, kaddib markii ay kooxdiisu lasoo wareegtay laacibka reer France ee Aurelien Tchouameni.

Taageereyaasha Manchester United ayaa sugi kari la’ inta ay kooxdoodu ku dhawaaqayso saxeexay Tyrell Malacia oo ay kala soo wareegayaan Feyenoord. Waxay United kasoo bixinaysaa £13 milyan oo Gini iyo £1.7 milyan oo Gini oo dheeraad ah oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa. 22 jirkan reer Netherlands ayay United ka hor qaadday kooxda reer France ee Lyon.

Angel di Maria ayaa heshiis la gaadhay Juventus oo uu u saxeexayo heshiis sannad ah oo uu mushahar ugu qaadan doono lacag gaadhaysa 5.2 milyan oo Euro. Waxa uu xagaagii ka tegay PSG oo uu muddo toddoba sannadood  ah u ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*