Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Sabti Ah

Tottenham tababaraheeda Antonio Conte oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka dambe ayaa diiday inuu sameeyo damaanad-qaad mustaqbalkiisa ah isaga oo ku adkaystay inuu diirada saarayo wakhtigan la joogo. (Guardian)

Erling Braut Haaland ayaa sheegay in kooxdiisa Borussia Dortmund ay cadaadis ku saartay inuu go’aankiisa mustaqbal ka gaadho, waxa xiisaynaya kooxo badan oo Yurub ah. (Guardian)

Fiorentina ayaa ku dhaw inay aqbasho dalab 58 Milyan oo pound ah haddii laga soo gudbiyo weeraryahan Dusan Vlahovic. (La Repubblica – in Italian)

Bayern Munich iyo Barcelona ayaa xiisaynaya saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Andreas Christensen marka heshiiskiisu dhaco dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Fabrizio Romano)

Tanguy Ndombele ayaa kaligii tababaranaya xilli mustaqbalkiisa Tottenham shaki ku jiro. (Football London)

Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay tababaraha Inter Milan ee Simone Inzaghi si uu xagaaga kooxdeeda ula wareego, tababaraha Talyaaniga ah ayaa bilaabi doona xiisado barashada luuqada English-ka ah. (Corriere Dello Sport – in Italian)

Southampton ayaa wax ka weydiisay Man United xaalada goolhaye Dean Henderson this month. (Football Insider)

Southampton ayaa xiisaynaysa inay heshiiska amaahda ah ee Armando Broja oo Chelsea kaga yimid ay rasmi ka dhigaan walow ay tartan kala kulmayaan kooxo kale. (Sky Sports)

Arsenal ayaa wadahadalo meel fiican maraya kula jirta Juventus iyadoo amaah inta xilli ciyaareedka ka dhiman ah ku doonaysa Arthur Melo. (Telegraph – subscription required)

Newcastle United iyo Watford ayaa xiisaynaya saxeexa garabka kooxda Nantes ee Ludovic Blas. (Star)

Wolves ayaa rajaynaysa inay dhagaysato dalabaadka Willy Boly oo dhaawac kubka ah kasoo laabanaya bisha dambe. (Mail)

Tottenham ayaa kooxda Peterborough wax ka weydiisay arrimaha khadka dhexe ee Benjamin Mensah. (Peterborough Telegraph)

Tottenham ayaa Wolves u bandhigtay afar ciyaartoy oo ay mid ahaan kaga bedelato Adama Traore. (Teamtalk)

Barcelona ayaa rajaynaysa inay bishan iibiso daafaca midig ee Sergino Dest si ay uga samayso lacagta weeraryahan cusub, Bayern iyo Chelsea ayaa xiisaynaya. (ESPN)

Flamengo ayaa Man United u bandhigtay 8 Milyan oo pound si ay rasmi uga dhigto heshiiska amaahda ah ee Andreas Pereira. (Sun)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*