West Ham khadkeeda dhexe ee Declan Rice ayay saxeexiisa xagaaga ku dagaalami doonaan Manchester United iyo Chelsea. (Mail Online)
Barcelona ayaa rajaynaysa inay maalmaha soo socda ka saxeexato heshiisyo hordhac ah daafacyada qandaraasyadooda Chelsea xagaaga dhacayaan ee Andreas Christensen iyo Cesar Azpilicueta. (Sport)
Lille madaxweynaheeda Olivier Letang ayaa sheegay in daafacooda dhexe ee Sven Botman oo Newcastle lala xidhiidhinayay uu u qalmo inuu ku biiro koox ku guuleysanaysa Champions League. (Le Parisien via Fabrizio Romano)
Wakiilada xiddigii Man City iyo Man United ee Carlos Tevez ayaa wadahadalo kula jira kooxda ree Maraykan ee DC United, 38 sano jirkaas ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu Boca Juniors ka tagay July 2021. (The Athletic)
Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde oo sidoo kale bartilmaameed u ah Chelsea. (Sport – in Spanish)
Manchester United ayaa heshiis 12 Milyan oo pound ah kula heshiisay dhigeeda Flamengo oo ay ka iibinayaan 26 sano jirka khadka dhexe ee Andreas Pereira. (Universo Online – in Portuguese)
Weeraryahankii hore ee England ee Kevin Phillips ayaa sheegay in Liverpool ay la saxeexan karto bedelka mudada dheer ee Mohamed Salah oo ay ka dhigan karto da’yarka Arsenal ee Bukayo Saka. (Football Insider)
Chelsea daafaceeda dhexe ee Antonio Rudiger ayaa doonaya mushahar toddobaadkii 225,000 oo pound ah xilli Blues ay usoo bandhigeen 140,000 oo pound. (The Athletic – subscription required)
Leeds United khadkeeda dhexe ee Kalvin Phillips ayaa riixaya heshiis cusub oo uu kooxda u saxeexo, West Ham ayaa 55 Milyan oo pound xagaagii ku dalbatay balse waxa uu ku faraxsan yahay Leeds haddii uu heshiis cusub saxeexo. (Sun)
RB Leipzig agaasimaheeda Oliver Mintzlaff ayaa aaminsan in khadka dhexe ee Christopher Nkunku uu kooxda sii joogi doono walow uu xiiso ka helayo Liverpool iyo Arsenal. (Sky Deutschland, in German)
PSG ayaa dhigeeda Lille bishii January u bandhigtay inay amaah kaga qaadato daafaca bidix ee Layvin Kurzawa. (Le Parisien, in French)
Liverpool ayaa rajaynaysa inay la saxeexato 17 sano jirka Barcelona ee Gavi oo heshiiskiisa Camp Nou 18 bilood ka hadheen isla markaana diiday inuu heshiis kordhin sameeyo. (El Nacional, in Catalan)
Zlatan Ibrahimovic oo 40 sano jir ah ayaa la filayaa inuu heshiis kordhin hal sano oo kale ah u saxeexo AC Milan. (Sun)
Be the first to comment