Kylian Mbappe ayaa lala xidhiidhinayaa Real Madrid iyadoo heshiiskiisa PSG dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan balse 23 sano jirkaas ayaan wali wax go’aan ah mustaqbalkiisa ka gaadhin. (Amazon Prime, via Mirror)
West Ham tababaraheeda David Moyes ayaa aaminsan in Declan Rice uu u qalmo lacag ka badan 100 Milyan oo pound xilli la filayo inay saxeexiisa xagaaga ku tartami doonaan Man United, Man City iyo Chelsea. (Metro)
Chelsea ayay dhirbaaxo dhinaca suuqa ahi haleeshay xilli daafaca dhexe ee Niklas Sule uu Borussia Dortmund kula heshiiyay inuu xagaaga ku biirayo kaddib marka uu dhaco heshiiskiisa Bayern Munich. (Mirror)
Arsenal ayaa dhibaato kala kulantay doonisteedii Christopher Nkunku kaddib markii ay RB Leipzig sheegtay inuu ugu yaraan xilli ciyaareed kale kooxda sii joogayo. (Sky Sport Germany – in German)
Karim Benzema ayaa bisha dambe inuu kulan la yeesho madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez qorsheeyay xilli uu ka baqayo inuu booskiisa waayo haddii ay kooxdu xagaaga lasoo saxeexato Erling Haaland oo Borussia Dortmund. (Onze – in French)
Manchester United ayaa kooxda Flamengo kula heshiisay inay 12 Milyan oo pound kaga iibiso khadka dhexe ee Andreas Pereira. (Universo, via Sun)
James Garnerayaa rajaynaya inuu xilli ciyaareedka dambe joogi doono Man United, 20 sano jirkaas khadka dhexe ayaa wacdarro ku dhigaya heshiis amaah ah oo uu ku joogo haatan Nottingham Forest. (Manchester Evening News)
Wolves tababaraheeda Bruno Lage ayaa ku taageeray Adama Traore inuu dhacsado heshiis rasmi ah oo uu ugu wareego Barcelona oo uu haatan amaah ugaga maqan yahay. (Mirror)
Lage ayaa doonaya inuu Wolves xagaaga kula soo saxeexdo weeraryahan kale. (Birmingham Live)
Leeds United ayaan doonayn inay Raphinha iibiso suuqii January balse waxay rajaynaysaa in suuqa xagaaga ay xiiso heli doonaan xiddigaas ree Brazil, khadka dhexe ee Kalvin Philipps iyo goolhaye Illan Meslier. (Athletic – subscription required)
Robin Gosens ayaa sheegay inuu ka fikiray heshiis uu Newcastle United ugu wareego kahor intii uusan January dooran inuu Inter Milan ku biiro markii uu Atalanta ka tagayay. (Kicker – in German)
Be the first to comment