Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Jimce Ah

Juventus ayaa kooxda Fiorentina kala heshiisay saxeexa weeraryahankii Arsenal lala xidhiidhinayay ee Dusan Vlahovic oo ay kula soo wareegayaan £62.4m. (Mail, via Guardian)

Liverpool ayaa weeraryahan Luis Diaz kala soo wareegtay kooxda FC Porto oo ay 37 Milyan oo pound oo lagu daray gunnooyin. (Ojogo – in Portuguese)

Porto ayaa dalabkaas mid lamid ah kasoo diiday Tottenham oo heshiiskiisa 66 Milyan oo pound lagu jabin karo. (Evening Standard)

Wolves ayaa ku kalsoon inay khadkeeda dhexe ee Ruben Neves ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan sii haysan doonto walow uu xiiso ka helayo Arsenal. (Sun)

Tottenham ayaa xiisaynaysa goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Alexander Nubel oo haatan amaah kula jooga Monaco. (Goal)

Paris St-Germain ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa khadka dhexe ee Tanguy Ndombele oo ay amaah kaga soo qaadanayaan Tottenham. (Telegraph – subscription required)

Rangers ayaa ku biirtay tartanka da’yarka Man City ee James McAtee oo ay amaah ku doonayaan, Southampton, Brighton, Aston Villa iyo Leicester ayaa sidoo kale 19 sano jirkaas doonaya. (Teamtalk)

Newcastle United ayaa dhammaystirtay saxeexa khadka dhexe ee Lyon ee Bruno Guimaraes oo ay ku helayaan £30m. (Talksport)

Roma tababaraheeda Jose Mourinho ayaa wali ku rajo weyn in kooxdiisu ay inta ka hadhsan suuqa January Arsenal kala soo wareegi doonto Granit Xhaka,(Mail)

Aston Villa ayaa koox aan la magacaabin oo Premier League ah ka diiday dalab 30 Milyan oo pound ah oo ay kaga doonayeen Douglas Luiz. Arsenal ayaa ka fikiraysa inay Luiz u dhaqaaqdo balse lama filayo inay tahay kooxda dalabkeedii lasoo diiday. (Evening Standard)

Arsenal ayay tahay inay ilaa xagaaga sugto isku-dayga saxeexa garabka PSV ee Cody Gakpo oo heshiis kordhin u sameeyay kooxdaas. (Mail)

Arsenal ayaa kooxda ree Maraykan ee New England kala heshiisay saxeexa goolhaye Matt Turner oo 27 sano jir ah xagaagana kusoo biiri doona. (Athletic – subscription required)

Aston Villa, Everton iyo Leicester ayaa dusha kala socda xaalada Jesse Lingard oo heshiiskii uu Man United ugaga wareegi lahaa Newcastle qarka u saaran yahay inuu burburo. (Manchester Evening News)

Barcelona ayaa xidhiidh la samaysay Borussia Dortmund oo ay qaab amaah ah kaga doonayaan saxeexa 30 sano jirka daafaca midig ee Thomas Meunier .(Marca)

Chelsea ayaa 3 Milyan oo magdhaw ah u bandhigtay Lyon si ay uga soo qaadato daafaca bidix ee Emerson Palmieri oo ay markii hore xilli ciyaareedka oo dhan amaah ku siiyeen balse kooxdaasi ayaa soo diiday dalabkaas. (Mail, via Athletic)

Aston Villa daafaceeda Ashley Young ayaa diiday heshiis uu ugu wareegayo Newcastle isaga oo doonaya inuu sii joogo Villa Park. (Mirror)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*