Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Isniin Ah

Newcastle United ayaa ka fikiraysa inay dalab u gudbiso kooxda Paris Saint-Germain oo ay ka doonayaan goolhaye Keylor Navas balse PSG ayaan doonayn inay fasaxdo 35 sano jirkaas. (RMC Sport via Mail)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Donny van de Beek ayaa diiday inuu u wareego Newcastle United sababtoo ah booska ay kaga jiraan kala sarreynta horyaalka. (Telegraph – subscription required)

Newcastle ayaa horumar ka samaynaysa isku daygooda saxeexa daafaca dhexe ee Sevilla ee Diego Carlos. (Express)

Si kastaba, Newcastle ayaa ku fashilantay isku daygeedii saxeexa Sven Botman oo ka tirsan Lille. (90min)

Chelsea ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca bidix ee PSG ee Layvin Kurzawa inay qaab amaah ah ku qaadato balse labada dhinac ayaan wali wadahadal bilaabin. (Fabrizio Romano on Twitter)

Southampton ayaa kooxda Chelsea kula jirta wadahadalo ay ku doonayso inay heshiiska amaahda ah ee Armando Broja ka dhigto mid rasmi ah. (Guardian)

Aston Villa ayaa ku dhaw saxeexa goolhayaha kooxda AS Roma ee Robin Olsen oo qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan ku qaatay Sheffield United. (Express & Star)

Juventus ayaa ka fikiraysa heshiis ay ugu dhaqaaqayso weeraryahanka kooxda Man United ee Anthony Martial. (Calciomercato – in Italian)

Chelsea ayaa kooxda Reims kala xidhiidhay suurogalnimada saxeexa da’yarka weeraryahanka ah ee Hugo Ekitike. (Footmercato – in French)

Barcelona garabkeeda Ousmane Dembele ayaa la filayaa inuu ku biiro mid ahaan kooxaha Man United iyo Juventus xilli ay loolankiisa ka baxeen Chelsea iyo Bayern Munich. (Sport – in Spanish)

Arsenal ayaa dalab 50 Milyan oo pound ah oo lagu daray Lucas Torreira ka gudbisay weeraryahanka Fiorentina ee Dusan Vlahovic. (Metro)

Arsenal ayaa doonaysa saxeexa daafaca midig ee Nottingham Forest oo amaah kaga soo maqan Middlesbrough ee Djed Spence balse waxa uu sidoo kale xiiso ka helayaa Roma iyo Inter Milan. (Mirror)

Barcelona daafaceeda dhexe ee Ronald Araujo ayaa xiisaynaya kooxaha kala ah Manchester United, Liverpool iyo Chelsea xilli ay istaageen wadahadaladii heshiis kordhinta ee Barca. (Marca)

Leicester City ayaa qorshaynaysa bixitaanka khadkeeda dhexe ee Youri Tielemans. (Mirror)

Arsenal ayaa xiisaynaysa saxeexa Tielemans oo 18 bilood ka hadheen heshiiskiisa Leicester (Sun)

Borussia Monchengladbach ayaa u furan iibinta khadka dhexe ee Denis Zakaria oo bartilmaameed u ah Man United. (Kicker, via Mirror)

United ayaa halis ugu jirta inay weydo khadka dhexe ee Amadou Haidara oo 33 Milyan oo pound lagu heli karo maadaama oo ay sidoo kale xiisaynayso Newcastle United. (Mirror)

Everton ayaa si kumeel gaadh ah u magacaabaysa Duncan Ferguson iyo Leighton Baines kaddib caydhintii Benitez. (Football Insider)

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*