Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Axad Ah

Leeds United khadkeeda dhexe ee Kalvin Phillips ayay xiisaynaysaa Liverpool balse Leeds ayaa u ogolaan karta inuu banaanka England kasoo ciyaaro iyado ay kooxaha uu u wareego karo ku jiraan Paris St-Germain, Bayern Munich iyo Real Madrid. (El Nacional – in Catalan)

Real Madrid iyo Barcelona ayay tahay inay 350 Milyan oo euro bixiyaan si ay ula saxeexdaan weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland, lacagtaas ayaa kala ah mida saxeexiisa, mushaharkiisa lix sano iyo gunada wakiilkiisa iyo aabihii oo la isku daray. (Marca)

Everton iyo Rafael Benitez  ayaa ku heshiiyay inay kala tagaan, Dunsan Ferguson oo kamida shaqaalaha tababarka Benitez ayaa laga codsaday inuu kooxda si kumeel gaadh ah usii qabto. (90 Min)

Chelsea ayay tahay inay kordhiso dalabkeeda 33-ka Milyan ee pound ah ee ay ka gudbisay Frenkie de Jong, Barcelona ayaa 50 Milyan oo pound ku doonaysa 24 sano jirkaas oo sidoo kale ay xiisaynayso Bayern Munich. (El Nacional – in Catalan)

Man United tababaraheeda kumeel gaadhka ah ee Ralf Rangnick ayaa ka cadhaysan sida aysan kooxdu suuqa January isu garab taagin isaga oo ka werwersan saamaynta uu yeelan doono marka la gaadho labada sano ee uu kooxda la taliyenimada ula shaqayn doono. (Mirror)

Paris St-Germain tababaraheeda Mauricio Pochettino ayaa lala xidhiidhinayay Man United balse labada dhinac ayaan wali wax xidhiidh ah samayn, sidoo kale koox weyn oo Yurub ah ayaa xiisaynaysa adeegsa Pochettino. (Telegraph – subscription required)

Christian Eriksen oo wadne xanuun kusoo booday intii uu socday Euro 2020 ayaa haysta dalabaad uga yimid dhawr kooxood oo Premier League ah waxaana uu doonayaa inuu midkood ku biiro dhammaadka toddobaadkan. (Times – subscription required)

Mohamed Salah ayaa diidan inuu ka tanaasulo aragtida ah inuu mushahar 400,000 oo pound ah u qalmo si uu Liverpool heshiis cusub ugu saxeexo xilli qandaraaskiisii hore 2023 dhacayo. (Mirror)

Newcastle United ayaa la filayaa inay toddobaadkan kooxda Sevilla dib ula bilawdo wadahadalada ay kaga doonayso daafaca dhexe ee Diego Carlos. (90 Min)

Newcastle ayaa dalab 40 Milyan oo euro ah oo ay ku doonaysay daafaca dhexe ee Benoit Badiashile laga soo diiday Monaco. (Foot Mercato via Get French Football News)

Newcastle ayaa cadaadinaysa heshiiska ay ku doonayso saxeexa daafaca bidix ee kooxda Atalanta ee Robin Gosens oo dhaawacnaa tan iyo bishii September. (Sky Sport Italia – in Italian)

West Ham ayaa tartan kala kulmaysa Newcastle marka ay noqoto saxeexa khadka dhexe ee Man United ee Jesse Lingard, Magpies ayaa doonaya inay 3 Milyan oo pound bixiyaan si ay ula saxeexdaan bishan. (Star)

Barcelona ayaa xiisaynaysa Roberto Firmino oo Liverpool ka tirsan, Reds ayaa 20 Milyan oo euro ku doonaya iibka 30 sano jirkaas. (El Nacional – in Catalan)

Inter Milan garabkeeda Ivan Perisic ayaa xiiso ka helaya Chelsea xilli tababare Thomas Tuchel doonayo bedelka Ben Chilwell oo inta xilli ciyaareedka ka dhiman dhaawac ku seegaya. (Mirror)

Atletico Madrid ayaan qabin wax dareen ah oo ah inay bisha January iibiso Joao Felix. (Marca)

Manchester United ayaa daafaceeda dhexe ee Phil Jones ku qiimaynaysa 15 Milyan oo pound xilli Burnley iyo Newcastle ay xiisaynayaan. (Star)

Kortney Hause ayaa doonaya inuu dib ugu biiro kooxdiisii caruurnimo ee West Ham haddii uu Aston Villa bishan ka tago. (Football Insider)

Napoli ayaa ku jirta wadahadalada ay ku doonayso saxeexa daafaca bidix ee Nicolas Tagliafico oo ka tirsanAjax. (Sky Sport Italia – in Italian)

Wolves ayaa ku dhaw inay 3 Milyan oo pound kula wareegto garabka weerar ee Chiquinho oo kaga imanaya dhinaca kooxda Estorill. (Athletic)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*