Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Axad Ah

Newcastle United ayaa ku rajo weyn saxeexa daafaca dhexe ee Burnley ee James Tarkowski oo ay Clarets rajaynayaan inay dalab u helaan. (Sun)

Wakiilada daafaca dhexe ee Sevilla ee Diego Carlos ayaa ku qancinaya kooxdaasi inay 28 sano jirkaas ka iibiso Newcastle United, Sevilla ayaa 60 Milyan oo pound ku doonaya iibkiisa. (90 min)

Newcastle ayaa Brighton wadahadalo cusub kala yeelanaysa khadka dhexe ee Yves Bissouma oo qiimo ahaan ku kici kara £50m. (Mail)

Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola ayuu xidhiidhka kubadda cagta Netherlands siin doonaa fursad uu dal ku maamulo marka uu ugu dambayn ka tago Etihad Stadium. (Sun)

Arsenal ayaa dalab 70 Milyan oo euro ah ka gudbisay Dusan Vlahovic oo xilli ciyaareedkan Fiorentina 17 gool ugu soo dhaliyay 21 kulan oo Serie A ah. (Tutto Mercato – in Italian)

Marka laga yimaado dalabkaas, Dusan Vlahovic ayaa sugaya heshiis uu ugu wareego Manchester City. (La Repubblica via Metro)

West Ham ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan Dominic Calvert-Lewin balse Everton ayaa ku rabta 60 Milyan oo pound. (Sun)

Burnley ayaa doonaysa inay amaah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ah kula wareegto Aaron Ramsey, tababare Allegri ayaa xaqiijiyay inuu Juventus ka baxayo 31 sano jirkaasi. (Sun)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Hazard uu kooxda sii joogayo, 31 sano jirkaas ayaa lala xidhiidhinayay kusoo laabashada Premier League bishan. (Mail)

Manchester City ayaa Real Madrid ku garaacaysa saxeexa weeraryahanka River Plate ee Julian Alvarez oo Sergio Aguero-ha cusub lagu sifeeyay, sidoo kale waxa xiiso u muujinayay Barcelona iyo Bayern Munich. (Star)

Aston Villa ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee Juventus ee Rodrigo Bentancur. (Mail)

West Ham ayaa ka baxday tartanka garabka Wolves ee Adama Traore kaddib markii loo sheegay in 25 sano jirkaasi ku biirayo Tottenham. (Football Insider)

Chelsea ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca bidix ee kooxda Stuttgart ee Borna Sosa, xiddiga Croatian-ka ah ayaa bilawgii suuqan bartilmaameed u ahaa Aston Villa, waxa sidoo kale doonaysa Inter Milan. (Sky Deutschland’s Marc Behrenbeck on Twitter – in German)

Liverpool ayaa iska fogaysay wararka la xidhiidhinaya khadka dhexe ee Borussia Monchengladbach ee Denis Zakaria. (Liverpool Echo)

Atletico Madrid ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca bidix ee Chelsea ee Marcos Alonso. (Marca)

Arsenal ayaa ku dhaw inay heshiis 18 bilood ah Juventus kaga soo qaadato Arthur Melo, Juve ayaa amaah ku diraysa haddii ay bedelkiisa hesho. (Tuttosport – in Italian)

Paris St-Germain ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka Lille ee Jonathan David. Chelsea, Tottenham iyo Barcelona ayaa sidoo kale kooxdiisa wax ka weydiiyay suurogalnimada lagu heli karo. (Calciomercato – in Italian)

Xiddigii hore ee Man United ee Adnan Januzaj ayaa ku dhaw inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxdiisa Real Sociedad. (Mundo Deportivo)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*