Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Arbaca Ah

Manchester United weeraryahankeeda Cristiano Ronaldo ayaa xiiso ka helaya Paris St-Germain, Bayern Munich iyo Roma xilli uu ka tagi karo Red Devils xagaaga. (Sun)

Manchester City ayaa dalab 5.5 Milyan pound ah ka gudbisay da’yarka garabkaa weerar  ee kooxda Atletico Mineiro ee Savio. 17 sano jirkaas ayay isha ku haysay Arsenal. (Guardian)

Aston Villa ayaa rajaynaysa inay 50 Milyan oo pound ku bixiso saxeexa khad dhexe, Wilfred Ndidi oo Leicester City iyo Yves Bissouma oo Aston Villa ah ayaa ah bartilmaameedyadooda ugu sarreeya, (Star)

West Ham ayaa qorshaynaysa inay xagaaga wadahadalo heshiis cusub la yeelato Jarrod Bowen si ay meesha uga saarto xiisaha Liverpool. (Evening Standard)

Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa ah kooxihii ugu dambeeyay ee isha ku haya da’yarka weeraryahanka Chelsea ee Armando Broja oo haatan amaah ugu maqan Southampton. (Sun)

Manchester United, Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Newcastle ayaa indho-indhaynaya xaalada heshiiska Kalvin Phillips ee Leeds United, qandaraaskiisa haatan ayaa dhacaya 2024. (90min)

Chelsea ayaa diirada ku haysa saxeexa daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde kaddib markii loo sheegay inuusan iib ahayn kabtanka PSG ee Marquinhos. (Fabrizio Romano)

Leicester khadkeeda dhexe ee Youri Tielemans ayuu xiddigii ree Brazil ee Kleberson u sheegay inuu iska diido Man United iyo Liverpool oo ku biiro. (Express)

Liverpool ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirta James Milner oo ay qandaraas cusub oo hal sano ah u bandhigeen. (Fabrizio Romano)

Steven Gerrard ayaa sidoo kale xiisaynaya inuu heshiis bilaash ah Milner kula saxeexdo Aston Villa marka heshiiskiisa Liverpool dhaco xagaaga. (Birmingham Live)

Jose Mourinho ayaa xiisaynaya inuu khadka dhexe ee ree Denmark ee Pierre-Emile Hojbjerg oo uu hore Tottenham ugula soo shaqeeyay keensado kooxdiisa AS Roma. (Corriere della Sera via Sport Witness)

Leicester City iyo Southampton ayaa ku tartamaya saxeexa khadka dhexe ee Bristol ee Han-Noah Massengo. (Football Insider)

Glen Johnson ayaa u sheegay kooxdiisii Chelsea inay Declan Rice kala saxeexato West Ham si ay ugu bedesho Jorginho oo 30 sano jir ah. (Mail)

Aston Villa ayaa xagaaga dhagaysan doonta dalabaadka u imanaya Bertrand Traore oo heshiiskiisu dhacayo 2024. (Football Insider)

Pep Guardiola ayaa ka fikiraya inuu shaqaalaha tababarka Man City uu boos ka siiyo kabtankiisa Fernandinho xilli ciyaareedka dambe. (Sun)

Vissel Kobe khadkeeda dhexe ee Andres Iniesta oo 37 sano jir ah ayaa sheegay inuu soo dhawayn doono ku laabashada Barcelona haddii fursadaasi timaado. (Goal)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*