Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyada Yurub Ka Qoreen Sabtida Maanta Ah

Barcelona iyo Juventus ayaa Arsenal u gudbiyay dalabaad rasmi ah oo ay inta ka dhiman xilli ciyaareedkan amaah ku doonnayaan weeraryahan Pierre-Emerick Aubameyang. (Athletic – subscription required)

West Ham tababaraheeda David Moyes ayaa xiisaynaya garabka Leeds United ee Raphinha waxaana uu isku dayayaa inuu la saxeexdo kahor xidhitaanka suuqan January. (Mirror)

Raheem Sterling  ayaa wadahadalada heshiis kordhinta dib ula bilaabaya Man City iyadoo qandaraaskiisa haatan dhacayo 2023 isla markaana ay xiisaynayaan kooxaha kala ah Barcelona, Paris St-Germain iyo Real Madrid. (ESPN)

Brentford ayaa rajaynaysa inay maanta ama berri ku dhawaaqdo saxeexa khadka dhexe ee Christian Eriksen oo aan kubad ciyaarin tan iyo markii uu wadne-xanuunku kusoo booday bilawgii Euro 2020. (Times – subscription required)

Aaron Ramsey ayaa joogaya Juventus kaddib markii uu diiday inuu u wareego kooxaha Aston Villa, Burnley, Crystal Palace, Newcastle United iyo Wolves. (Calciomercato, via Football Italia)

Everton ayaa xiisaynaysa saxeexa khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek  oo ka tirsan Chelsea. (Mail)

West Ham ayaa kooxda Reims wadahadalo kagala jirta saxeexa 19 sano jirka weeraryahanka ah ee Hugo Ekitike oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Brentford, Brighton iyo Newcastle United. (Sky Sports)

West Ham ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta Marseille oo ay amaah kaga doonayaan daafaca dhexe ee Duje Caleta-Car halka ay dhinaca kale weeraryahan Bamba Dieng qaab amaah ah kaga rabaan isla Marseille. (90 Min)

Aston Villa dalab 20.8 Milyan pound ah oo ay ka gudbisay khadka dhexe ee Rodrigo Bentancur ayay soo diiday Juventus. (Guardian)

Tottenham ayaa sidoo kale doonaysa saxeexa Rodrigo Bentancur  balse amaah ayay ku rabaan mana aha wax ay ku qancayso Juventus. (Sky Sports)

Atletico Madrid ayaa la xidhiidhay wakiilada daafaca midig ee Matty Cash, iyadoon la filayn inay bishan January dalab ka gudbiyaan ayaa lagu wadaa inay saxeexa 24 sano jirkaas xagaaga isku dayi doonaan. (Sky Sports)

Juventus ayaa isku dayaysa inay u dhaqaaqdo saxeexa Jorginho oo heshiiskiisa Chelsea dhacayo 2023. (Gazzetta dello Sport, via Mirror)

Monaco ayaa 80 ilaa 100 Milyan oo euro ku doonaysa iibka khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni oo lala xidhiidhinayay Real Madrid, Chelsea iyo Manchester United. (Marca)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*