WAR WEYN: Aragtida Lionel Messi Ee Ku Laabashada Barcelona Oo Banaanka Lasoo Dhigay

Ciyaaryahanka heshiiskiisa Paris Saint-Germain dhammaadka ku dhaw yahay ee Lionel Messi ayaa warar kala duwan laga qorayaa mustaqbalkiisa gegida Parc des Princes.

Messi ayaa sanadkii 2021 qaab xor ah kaga tagay Barcelona oo dhaqaale ahaan awoodi wayday inay diiwaan geliso saxeexiisa isagoo heshiis laba sano ah ugu biiray PSG.

Sida uu qorayo haatan wargeyska Foot Mercato ee fadhigiisu yahay dalka France, Leo ayaa doonaya ku laabashada kooxdiisii Barcelona marka heshiiskiisa Paris dhaco.

Wadahadalkii heshiis kordhinta ee uu kula jiray PSG ayaa dhawaan hakaday waxayna u muuqataa inuusan ku negaadi doonin caasimada France.

Maamulka Barcelona ayaa la sheegay inay warkaas ku farxeen waxayna bilaabeen ka shaqaynta qaabka ay ku suurogalayso inay dib ula saxeexan karaan.

Sababtoo ah xaalada dhaqaale ee xun ee Blaugrana ku jirto, waxay u baahan doontaa dedaal badan inay helaan qaab ay ku diiwaan galin karaan 35 sano jirkaas.

Messi iyo qoyskiisa ayaa wali magaalada Barcelona u tixgeliya inay tahay magaaladoodii waana qoddob muhiim ka noqon kara heshiiska uu ugu laabanayo.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*