WAR CUSUB: Cristiano Ronaldo, McTominay, De Gea, Cavani, Pogba Iyo Xiddigaha Manchester United Oo Xidhiidhka U Jaray Mason Greenwood

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee Manchester United ee xidhiidhka baraha bulshada u jara weeraryahanka kooxdaas ee Mason Greenwood oo shalay loo xidhay isku-day kufsi iyo dhaawacyo uu u geystay gabadh ay saaxiibbo ahaayeen.

Mason Greenwood oo ay da’diisu tahay 20 jir ayaa xalay u hoyday saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Manchester oo shalay lagu xidhay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo maxkamadda.

Laacibkan ayuu kiiskiisu culus yahay, waxaana la hayaa caddaymo badan oo ugu filan in sannado badan oo xadhig ah iyo magdhow intaba lagu xukumo.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa shalay bilaabay inay xidhiidhka baraha bulshada u jaraan Mason Greenwood, waxaana hore u joojiyey saaxiibtinimadoodii barta bulshada ee Instagram ciyaartoyda ay ka mid yihiin Jesse Lingard, David De Gea, Paul Pogba, Ederson Cavani iyo Scott McTominay.

Cristiano Ronaldo ayaa isaguna maanta ku biiray liiska ciyaartoydan, waxaana uu joojiyey xidhiidhkii uu laacibkan kala  lahaa baraha  bulshada oo uu saaxiibtinimadii iyo la socoshadii jaray (Unfollow).

Xiddigo kale ayaa iyagana la sugayaa inay sidan oo kale sameeyaan, hase yeeshee kabtan Harry Maguire ayaan isagu wali raacin tallaabada ay saaxiibadiisa kale sameeyeen, waxaanu wali sii wadaa saaxiibtinimadii Mason Greenwood ee dhinaca baraha bulshada.

Manchester United ayaa iyaduna wali baraheeda bulshada ee Instagram iyo Twitter-ku ay la socdaan Greenwood, mana ay jarin xidhiidhka, hase  yeeshee waxay kooxdu hore u sheegtay in aanu laacibkani tababarkeeda iman doonin, sidoo kalena aanu u ciyaari doonin illaa inta ay arrintani dhamaanayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*