Muxuu Xulka Germany U Baahan Yahay Si Uu Wareega 16-ka Koobka Aduunka Ugu Soo Baxo?

Xulka Germany ayaa halis weyn ugu jira inuu wareega Group-yada kaga hadho tartanka koobka aduunka markii labaad oo xidhiidh ah balse haddana fursad wali haysta.

Germany, xulka labaad ee ugu guulaha badan taariikhda koobka aduunka maadaama oo ay afar jeer soo hanteen tartanka ayaa toddobaadkoodii koowaad guuldarro 2-1 ah oo lama filaan ah kala kulmay Japan.

Kulankoodii labaad oo xalay ahaa ayay barbardhac la galeen dhigooda Spain oo gool uga hormaray, walow ay xiddigaha Germany weerarka qaadayeen haddana kuwa Spain ayaa badi kulanka xakamaynayay iyadoo ugu dambayn labada dhinacba u muuqdeen kuwo barbardhaca ku faraxsan.

Kala sarreynta Group-ka ayaa ah haatan in Spain ugu sarreyso oo afar dhibcood ku hoggaaminayso halka Japan iyo Costa Rica min saddex dhibcood kusoo raacaan, Germany oo ugu hooseeya ayaa hal dhibic wata.

Guuldarro ama barbardhac ay kulanka saddexaad kala kulmaan Costa Rica ayaa ka dhigan in Germany hadhi doono.

Guul ay ka gaadhaan Costa Rica ayay afar dhibcood ku tagi doonaan balse waxay u baahan doonaan in xulka Spain oo isaga aan xataa farqiga goolasha (+7) lagu gaadhayn uga badiyo Japan oo uu ka reebo si ay u xaqiiqsadaan inay u gudbaan wareega 16-ka.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*