WAR BUUXA: Xiddigii Uu Xavi Doonayay Inuu Barcelona Sii Joogo Oo Baxaya & Kooxdiisa Cusub

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa helaya war aan u fiicnayn inta lagu maqan yahay Koobka Aduunka maadaama mid kamida ciyaartoyda uu doonayay inuu kooxda kusii hayaa bixitaan ku dhaw yahay.

Ciyaaryahankaas ayaa ah kabtanka kooxdiisa Barcelona iyo xulka Spain ee Sergio Busquets, ruugcaddaagaas ayuu heshiiskiisa Camp Nou yahay mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xavi ayaa muujiyay sida uu u doonayo inuu lasii shaqeeyo Busquets ugu yaraan sanad kale balse kooxda ayay ka go’antahay inay sii wado qorshaheeda ay ku yaraynayso mushaharaadka ay bixiso.

Sida lagu sheegay warar lagu qoray Cadena SER, Sergio ayuu qabsoomay heshiis uu ugu biirayo kooxda David Beckham ee Inter Miami oo ay warbixintu sheegayso in 95% la dhammeeyay.

Warkaas ayaa ka cadhaysiinaya Xavi oo kalsooni ku qabay inuu 34 sano jirkaas ka dhaadhicin doono inuu lasii joogo marka uu kasoo laabto Koobka Aduunka.

Inter Miami oo u muuqata mid qorshe weyn leh ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Lionel Messi, Luis Suarez iyo Cesc Fabregas.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*